GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home

Maydad Askar Kenyan Ah Oo Wadooyinka Magaalada Kismaayo Lagu Jiid Jiiday DAAWO

E-mail Print PDF

Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in mar kale deegaanka Miido ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidmaada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka saaka ayaa waxaa qaaday ciidamada huwanta ah, waxaana lagu soo waramayaa in labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dagaalka saaka uu yahay mid ka kulul kii shalay ilaa xalay ka socday deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamaya haseyeeshee saraakiil u hadashay labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay waxaana dhinac walba uu ku andacoonayaa in uu khasaare lixaad leh u geystay dhanka kale.

Xaaladda gobolka Jubada hoose ayaa kacsan, waxaana afhayeenka dowladda Kenya Emanuel Chirchir uu sheegay in uu dagaalka soconayo inta ay gacanta uga dhigayaan magaalada Kismaayo

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

Last Updated on Tuesday, 04 September 2012 09:22  

Geesguud Partners


Newsflash