GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

Geesguud Somali News Logo

OGEYSIIS DHAMAAN AKHRISTAYASHEENA QIIMAHA BADAN WAXAAN U SHEEGEYNAA IN BEBGA UU DHISMO DIB U HABEYN UU KU SOCDO DHAWAANA UU SHAQO BILAABAYO MAHADSANADIIN



 GEESGUUD live chat  

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Guddoonka cusub ee baarlamaanka oo magacaabay guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha

Guddoonka cusub ee baarlamaanka oo magacaabay guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha

Kulankii baarlamaanka cusub ee uu shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Proff Maxmaed Cismaan Jawaari ayaa lagu ansixiyey guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 16 xubnood ayaa waxa howshoodu tahay inay soo diyaariyaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in horaanta bisha soo socota ee September ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. Iyadoo guddigana ay ku dhowaaqi doonaan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada madaxweynaha.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigey General Muuse Xasan Cabdulle oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn mudanayaasha baarlamaanka waxaana ka mid ah xubnaha guddigan:-

1. Khadiijo Maxamed Diiriye
2. Maxamed Cumar Maxamuud
3. Ibraahim Saalax Deyfullah
4. Axmed Cismaan Ibraahim
5. Sacdiyo Careys Ciise
6. Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
7. Daahir Amiin Jeesoow
8. Cismaan Maxamed Cabdi Daallo
9. Maryan Cariif Qaasim
10. Axmed Aadan C/raxmaan
11. Saynab Maxamed Caamir
12. Axmed Aadan Axmed
13. Cismaan Libaax Ibraahim
14. Aweys C/laahi Ibraahim
15. Muumino Sheekh Cumar

Kulankii maanta ee uu baarlamaanku yeeshay ayaa waxaa lagu dhaariyey xubno cusub oo baarlamaanka ku soo biirey ee ay soo gudbiyeen guddiga farsamada.
Xubnahan ayaa waxa ka mid ahayd fanaanada Soomaaliyeed ee Saado Cali Warsame waxayna kala ahaayeen xildhibaanadii kale ee la dhaariyey maanta

1 Jawaahir Axmed Cilmi
2 Maxamed Isaaq Cusmaan
3 Maxamed Cabdi Maxamed “Gaandi”
4 Shariif Maxamed Saciid
5 Xaliimo Xasan Cumar
6 Nuur Maxamuud Xuseen
7 Cumar Cali nuur

Waxaana dib loo dhigey xallinta khilaafkii ka taagnaa xubnaha baarlamaanka ee ay maxkamada sare soo siisey aqoonsiga

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash