Lacago deeq ah ay iskaso aruuriyeen qurba joogta Bahweynta Beesha Shiikhaal Jaziira ee ku nool Wadamada Nederland, Swedan, Uk, Swezarland, Finland, Norwey, Danmark iyo iyo guud ahaan Qaaradaha Ameerika iyo Austuraaliya ayaa Maanta waxaa la gudoonsiiyay deeqdaani walaalaha loogu talagalay, Waxayna Munaasabada Taakuleentaasi bisha ramadaan lagu gudoonsiinayay Dadka loogu talagalay ay ka dhacday Hoteelka Shaamow ee Magaalada Muqadisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.
Deeqdaani oo gaareesay ku dhawaad $4000(Afar kun oo lacagta Mareekanka ah) ayaa loo qeybiyay inkabada 240 qoys ah oo isugu jireen Haween, Caruur Agoon iyo Dad da’a ah oo qaarkooda goobta deeqdaasi lagu qeybinaayay so gaari waayay oo loogu geeyay Guryahooda iyo dad kale oo aad u dhibaateesan, Waxayna ka mahad celiyeen dhammaantooda deeqdaani laso gaarsiiyay oo ay sheegeen in lagu soo beegay xilli ay u baahnaayeen.

Gudiga taakuleenta Bisha Ramadaan ee Reer Jaziira ayaa waxay u wakiisheen deeqdani qeybinteeda si wadajir ah inay u qeybiyaan Maamulka Jimciyada Baabul kheyr iyo Ururka Horumarinta Dhallinyarada Jaziira, Jazeera Youth Development Organization oo marka laso gaabiyo loo yaqaano JYDO, Waxaana munasabadaasi deeq qeybinta eheed inta socotay kahadashay aqoonyahano, Odayaal dhaqameed, Culumaa'udiin, Haween iyo Dhallinyaro aad u badan, Waxaana ka xusi karna inta goobtaasi kahadashay Suldaanka Beesha Shiikhaal Jaziira Nuur Xaaji C/qaadir, Cumar Yacquub Xaaji Cabdow, Gudoomiyaha Deegaanka Jaziira Maxamed Axmed Sheekh Nuur(Baariyow) iyo Sacdiyo Aweys Abkow oo Magaca dumarka kaso qeybgalay ku hadlaysay iyo dadkalo aad u badan oo magacyadooda halkaan aan laguso koobi karin.
Waxaa Sidoo kale goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jimciyada Baabul qeyr ahna Nabadoonka Beesha Shiikhaal Jaziira Sheekh Maxamed Wali Sheekh Nuur iyo Gudoomiyaha Gudiga taakuleenta Bisha Ramadaan ee Reer Jaziira Mudane Maxamed Axmed Cabdalla(Diyeeshe Cade), Labadaani Masuul ayaa waxay u Mahad celiyeen inta kaso qeyb gashay Munaasabadaasi iyo guud ahaan waxay Mahad Celin iyo Ammaan ay u jeediyaan Jaaliyadaha Shiikhaal Jaziira ee Qaaradaha Yurub, Ameerika iyo Austuraaliya iyo Dhammaan inta gacan ka geesatay Barnaamijkaani takuleenta loogu gurmanaayay Walaalaha ku dhibaateesan gudaha Dalka Soomaliya
Gudoomiye Sheekh Maxamed Wali iyo Mudane Diyeeshe Cade iyo inta meesha ka hadashay ayaa waxay ugu baaqeen Jaaliyadaha Shiikhaal jaziira in dadaalkooda ay laba labaan howshana meeshooda ay kasi wadaan, iyagoona tilmaamay baahiyada ay qabaan dadkaani inay aad ay u badan tahay oo aan lagu kooban bisha ramadaan oo mar waliba fiiro gaar ah looso yeesho, Iyagoona aad u atkeeyay in Walaalahani laga taageero dhinaca Waxbarashada oo wax labaro si bari iyagane wax isku taraan Dadka kalana wax ay taraan, Waxaana Halkasi si wada jir ah loogu doceeyay dhamaan inta gacanta ka geesatay Barnaamijkaani Bisha ramadaan oo labo sano jirsaday.
Sikastaba ha ahaate w axaa Maanta Munaasabadaasi deeqo qeybinta eheyd ay kuso gaba gabooday Jawi heer sara ah iyado ay aaad ugu qanceen Dadkii la garsiiyay Deeqahaaasi garkaarka eheed oo katimid walaalahooda qurba joogta Reer Jaziira, Waxayna shegeen dhamaan inta kaso qeyb gashay Munaasabaadaasi in ay eheed Mid taariikhi ah oo so celisay Walaalnimada, Isjeceelka iyo Midnimada Beesha Shiikhaal Jaziira, Inkasto deeqdaani ay eheen tii ugu horeesay oo laso gaarsiyo Reer Jaziira.
Weriye: Maxamed Cabdullaahi Cali(Afgooye).
E-mail:
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it