GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Ciidammo isku rasaaseeyay agagaarka halka ay deggen yihiiin Guddiga Xulista Baarlamaanka

Ciidammo isku rasaaseeyay agagaarka halka ay deggen yihiiin Guddiga Xulista Baarlamaanka

Is rasaaseyn ayaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ku dhex martay maanta agagaarka Xarunta Xulista Baarlamaanka, oo ah halka ay degan yihiin Gudiga farsamada ee soo xulaya Baarlamaanka cusub.

Hal ruux ayaa ku dhintay, kaasoo ahaa Ciidamadii ka tirsanaa dowladda, iyadoo wararku sheegayaan in labo ciidan oo kala ilaalinayay Ragg u ololeynayay inay Xildhibaanimo helaan ay isku dhaceen.

Wariye ku sugnaa goobta ayaa sheegaya in inta aysan Iska hor imaadka uusan dhicin ay murmeen labada ciidan, iyadoo waxooga saameyn ku yeelatay howlaha ka socday Xarunta Xulista Baarlamaanka oo ay degan yihiin Gudiga oo ku dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xarunta ay ka socoto Xulista Baarlamaanka cusub ayaa waxaa ammaankeeda sugaya Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabadsugida, waxaana dhowr goobood ay yaalaan Bar koontaroolo lagu xaqiijinayo Ammaanka.

Sidoo kale Gudiga Farsamada soo xulista Baarlamaanka ayaa sheegay inay socdaan hubintii Xildhibaanada baarlamaanka, waxaana ilaa iyo hada la hayaa 184-Xildhibaan oo ah saddex dalool hal dalool, waxaana Gudiga ay sheegeen in maanta ay filayaan in la soo dhameystiro Xildhibaanada Baarlamaanka.

Gudiga ayaa ku jira hubinta shuruudaha ay soo buuxiyeen xubnaha Xildhibaanada cusub, waxaana maanta ay aheyd in la dhameystiro, kadibna la dhaariyo Xildhibaanada cusub, inkastoo ay dib u dhacday.

Ilaa iyo hada muran ayaa ka taagan habka soo xulista baarlamaanka, waxaana beelaha qaar ay ka dhex oogan tahay khilaaf ku saleysan shaqsiyaadka loo xulayo Baarlamaanka, maadaama Gudiga farsamada ay soo diideen ragg xildhibaanimo loo qoray

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash