GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka R/Wasaaraha DKMG ah oo Maanta ku dhawaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Mdaxweynenimo ee Somali

R/Wasaaraha DKMG ah oo Maanta ku dhawaqay inuu yahay Murashax u taagan xilka Mdaxweynenimo ee Somali

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda DKMG ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqaya inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynimoe ee Soomaaliya, taasoo sare u qaadaysa xubnaha u taagan qabashada xafiiska madaxnimo ee Soomaaliya.
 
Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu xalay casho-sharaf u sameeyay odayaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka, wuxuuna ku ammaanay inay yihiin geesiyaal naftooda u huray in Soomaaliya ay ka saaraan xilliga KMG ah.

"Caawa waxaan idin kugu yeeray inaan idin kaga mahadceliyo howshii adkeyd ee aad qabteen si dalku uu uga baxo KMG-nimada. Mahaddaasna Alle ka sokoow idinka ayaa leh," ayuu yiri C/weli Gaas.

Ra'iisul wasaaraha oo ka hadlayay markii xilka loo magacaabayay sannadkii hore, ayuu sheegay in rasaasta ay soo ridayeen xoogagga Al-shabaab ay kusoo dhacaysay madaxtooyada, balse dadaal ay xukuumadiisu sameysay lagu gaaray in maanta ay Muqdisho noqoto meel ammaan ah oo lagu ansixiyay dastuurka KMG ah ee dalku uu yeelanayo.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in markii hore uu qorsheystay inuu dib ugu laabto qoyskiisa markii uu xiliga KMG ah dhammaado, basle cadaadisyo ku yimid darteen uu go'aansaday inuu sii wato howsha uu dalka u hayo, uuna isku sharraxo xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna horay u sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo rajo weyn ka muujiyay inuu doorashada ku guuleysan doono.

Xubno badan oo qaarkood ay ka socdan xisbiyo siyaasadeed ayaa iyaguna u taagan qabashada xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu isaguna sheegay inuu hunguri kaga jiro xilka madaxnimo ee Soomaaliya.

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ka socota xafladda uu ra'iisul wasaaraha DKMG ah kaga dhawaaqayo inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnenimo ee dalka Soomaaliya.

Mahad Ali Geesguud News Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash