Xaaladda isbadalka siyaasadda ee Soomaaliya, ayaa waxa ay sababeeysaa in rag iyo dumar badan ay raadiyaan jagooyin kasareeya kuwoodii hore.

Siyaasiga Caanka ah Shariif Xassan Shiikh Aadan, waxa uu kamid yahay siyaasiyihiinta ugu tug tugta roon xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya.
Siyaasigaan waxaa uu ku jiraa xaalad Reer Xamarku ugu yeeraan Mafujisna Mana Dhagsana, macnaha cirna ma jiro dhulna ma jiro.
Waxaa uu damcayaa Xilka Madaxweyna nimo ee Soomaaliya, waxaana doorasho ahaan ka horeeya Xilka Guddoonka Baarlamaanka oo ah kursi uu dhowr jeer ku soo fariistey, uuna garanayo macaantiisa iyo isku jel jaleecintiisa, waxayse haatan ka heeysaa Kursiga Shariifka kale
Si uusan midna u waayin, waxaa uu isku dayey shaley in heshiiska Saxiixayaasha Road-map-ka in lagudaro in lasoo hor mariyo doorashada Madaxweynaha oo dib loo dhigo midda Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, waase dhici weysey, iyadoo hadafkiisu ahaa in haddii uu waayo korsiga Madaxweynaha uu hadana u tar tamo midka Afhayeenka, kol haddii aan la isku qaban karin labada jago.
Shariif Xassan, haddii uu kusii jiro isla haminta labada kursi ee hadda uu wado, waxaa la arkaa in labaduba seegaan oo uu ku soo dhoco xil aan kabadneeyn Xildhibaan Caadi ah.
Axmed Qeys Geesguud News
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































