GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Khilaaf xoogan oo ka taagan madaxtinimada maamulka Galmudug, oo Cirka isku sii shareerayo

Khilaaf xoogan oo ka taagan madaxtinimada maamulka Galmudug, oo Cirka isku sii shareerayo

Tan iyo markii looga dhawaaqay magaalada Gaalkacyo in Gen. Cabdi Xasan Cawaale {Qebdiid} ay xubno Baarlamaan oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ay u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi, isla markaasna uu ka soo horjeestay Madaxweynaha Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin ayaa waxaa sii kordhacay khilaafka ka dhashay arrinkaasi.
Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa si kulul u weeraray doorashadii ka dhacday Galmudug ee lagu soo doortay Cabdi Qeybdiid, waxaana uu yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey "Doorashada C/qeydiid waa mid lagu degdegay oo sharci-darro ah, aniga horay ayaanba u sheegay inaan mardambe isa soo sharaxeyn, laakiin waxay aheyd in la sugo inta waqtiga rasmiga ah ee ay doorashadu dhaceyso laga gaarayo".

"Isbitaal ayaan ku jiray, xittaa way i sugi waayeen inta xaalkeygu dhinac u dhacayo, arrintaas waa mid lagu doonayo in lagu burburiyo jiritaanka Galmudug, dadka qaladkaasi weyn ku kacay waxay doonayaan oo keliyab in Galmudug ay lugaha la gasho dhibaato, mana doonayaan hormarka Galmudug" ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Mr. Caalin.

Caalin waxaa uu sheegay inuu xilka wareejin doono balse ma cadeyn cidda uu ku wareejinayo, waxaase uu tilmaamay inuu sii wadi doono xal u raadinta khilaafaadka Galmudug, tan iyo inta uu ka dhimanayo sida uu yiri "Waxaa noo yaalla shaqooyin badan, kamana hakan doono xal u raadinta khilaafka Galmudug, tan iyo inta aan ka dhimanayo".

Dhinaca kale Gen. Cabdi Qeybdiid oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug, doorashadiisuna ay u dhacday si xaq ah, wuxuuna wuxuuna iska fogeeyay hadalo ku aaddan in doorashadiisu ay aheyd mid ku dhacday si aan sharciga Galmudug waafaqsanayn, isagoo sii hadlanayana waxa uu yiri "Haddii Xildhibaanadii maamulka Galmudug ay i doorteen taas sharci darro ma ahan, haddii Col. Caalin uu rabo inuu ogaado sida ay doorashadu u dhacday Gaalkacyo waa inuu yimaado ee ma aha inuu warbaahinta ka hadlo".

Sidoo kale Gen. Qeybdiid ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Galmudug ay wax badan dib uga dhacday maamullada kale ee dalka ka jira, uuna rajo weyn ka qabo in wax weyn uu ka bedelo arrintaas, wuxuuna yiri "Ma ahan in go'aan ka soo baxya xaafadda Islii ee Nairbi lagu xukumayo Galmudug, haddii uu sharci diyaar u yahay Col. Caalin waa inuu Gaalkacyo yimaado, waxaana ku kalsoonahay inaan aniga wax ka bedeli doono sida ay ku socdeen howlaha Galmduug

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 

 


Newsflash