GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Orodyahan Maxamed Xasan oo Orday Balse aan Guuleysan galayna kaalinta 13aad orodka 1500m

Orodyahan Maxamed Xasan oo Orday Balse aan Guuleysan galayna kaalinta 13aad orodka 1500m

Iyadoo maanta dunida oo dhan indhaha lagu eegayay ciyaaraha olombikada ee ka socda magaalada London ee maanta galay maalintii ciyaaraha fudud lagu tartamayay ayaa dadweyne badan oo Soomaali ah waxa ay rajo ka qabeen in labada orodyahan ee Soomaaliyeed ee ka qeybgalaysa tartankan ay guulo ka keenaan.

Hase yeeshee iyadoo duhurnimadii maanta loogaga warqabay ay gabadha Soomaaliyeed ee Zamzam Maxamed ay oroday tartanka 400m noqotayna inay ugu dabamarto gabdhihii la baratamayay kuna hartay wareegga koowaad ayaa mar kale caawa waxaa orday Maxamed Xasan oo la filayay in uu wax isbedel ah keeno nasiib daro orodyahan Maxamed Xasan ayaa maray halkii ay martay gabadhii Soomaliyed ee Zamzam waxan uu ka galay kaalinta 13aad oo waxaa ka dambeeyey hal wadan

Hase yeeshee Maxamed Xasan ayaa daqiiqadihii hore waxa uu ahaa mid dhexda ugajirey orodyahanadii la tartamayay balse markii dambe ayaa la wada dhaafay isagoo ay ka muuqatay in uu hoos u dhac ku imanayay marba marka ka dambaysa.

Inkastoo labadan orodyahan ee ku baratamayay magaca dalka Soomaaliya lagu reebay wareega koowaad ayaa waxaa jirta in berito ay tartami doonaan labo orodyahan oo Soomaali ah balse u ordaya wadamada Great Britain iyo Canada Mo Farah iyo Maxamed Ahmed. Labadan orodyahan ayaa la rajeynayaa in wadamada ay u ordayaan ay u soo hooyaan guul,iyadoo la ogyahay in Mo Farah uu yahay orodyahan haysta orodka tobanka kun ee caalamka

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash