Waxaa daqiiqado kahor shaashadaha dunida kasoo muuqday gabdhaha ka qeyb qaadanaya tartanka 400 ee Mitir ee gabdhaha iyadoo ay tartankaas ka dhexmuuqatay gabadha Soomaaliyeed ee Zamzam Maxamed Faarax .
Tartanka oo ahaa mid aad udag ayna hogaaminayeen gabdho ukala dhashay Mareykanka, Jameca, Britain iyo dalal kale ayaa waxaa uu ahaa mid Soomaaliya aysan natiijo wanaagsan ka helin.
Gabadhii Soomaaliya matalaysay Zamzam Maxamed Faarax ayaa noqotay qofkii ugu danbeeyay ee soo gaara diilinta guusha, wax badan ayayna ka danbaysay gabdhihii kale ee la tartamayay.
Waxaa ay gabdha Soomaalida ah orodaysa hal daqiiqo iyo 20 Secend halka gabdhaha kale ay kusoo ordeen 50 Seceon oo ah wax aan dhamayn hal daqiiqo.
Zamzam Maxamed Faarax ayaa la arkayay iyadoo aad udaalan oo xitaa markii ay soo gaartay diilinta guusha sii lii caysa, maadaama ay soo qabatay howl adag.
Tababarka ay haysteen ghabdhihii la tartamayay ayaa loo qaadan karaa in ay keentay in gabadha Soomaalida ah ay noqoto tan ugu danbaysa.
Sidoo kale Waxaa iyadana booska ugu danbaysay tartanka orodka 400 qeybtiisii kale galay gabadha Zahura Ali oo kasoo jeeda dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.
Wiilka Soomaaliya umatalay tartanka 500 Mitir Maxamed Xasan ayaa isna caawa la tartami doona wiilasha caalamka, waxaana ay ciyaartaas Toos ka noqon doontaa aduunka marka saacada bariga afrika ay soo gaarto 8:00 Fiidnimo
wariye C)laahi C)rahmaan (foorgoo)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































