Axmed Xaaji Rooraaye oo Dhawaan Magaalada Kambala loogu Doortay Hogaamiyaha Beesha ayaa Guud ahaan Waxgaradka Beelaha Sheekhaal Meel walboo ay Joogaan ugu baaqay inay Gacmaha is qabsadaan si ay Horumar u gaaraan Xaaji Axmed ayaa ugu Baaqay Jaaliyadaha Beesha Sheekhaal in ay Midoobaan oo ay Gacmaha is Qabsadaan Meel walboo ay ka Joogaan Caalamka . Hogaamiyaha ayaa Dhanka kale ku Baaqay in lala Yimaado ALLE ka cabsi Waxuuna Geesta kale ku booriyay Bulshada in ay si wanaagsan Uga Faa’iideestaan Bishan aynu ku jirno ee Ramadaan oo ah Bil Cibaado iyo Barako . Ugu Dambayn waxa uu Xaaji Axmed Xaaji Rooraaye ku Baaqay in Wax garadka Beesha ay ka shaqeeyaan isla markaana Dar dargaiyaan Xariirka Walaalnimo iyo wax wada Qabsiga Beesha Dhexdeda iyo tan Guud ee Umadaha Caalamka .
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|








BBC 04:00 GMT 









































