GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Hoos u dhig indhahaaga bishan barakaysan iyo ka gadaal, akhri qisada saxaabiga dada yar ee Thaclaba

Hoos u dhig indhahaaga bishan barakaysan iyo ka gadaal, akhri qisada saxaabiga dada yar ee Thaclaba

Asc wrm wbr dhamaan waad salaamantihiin.

Thaclaba alha ka raali noqdee waxuu ahaa saxaabi da yar oo lix iyo toban jir ah isla markaana firfircoon oo 
nabi mohamed swc ayaa u dirsan jiray adeegyo, maalin maalmaha ka mid ah ayaa nabigu waxuu u diray 
Thaclaba madiino dhaxdeeda isagoo dhax maraya ayaa waxuu arkay guri albaabkiisa furan yahay ,saa wuu 
eegay markiiba daah gudaha ku xiraa baa dabayshi leexisay waxaana indhahiisa ku dhacay qof dumarah oo
qubaysanayso saa indhahuu la raacay, wax yar ka dib waxaa wuu isgartay oo shaydaanka iska naaray oo
walwalay yirina sidee u ahay nid nabi muxamad scw u dhaw hadana falaya falkan foosha xun.
waxaan eegay oon ku xad gudbay cawrada gabar muslimad ah, ilaahay waxuu soo dajinayaa aayad la igu 
sheegi munaafuqnimadayda oo lagu soo dajin nabi Muxamed scw sideense ugu noqdaa nabiga aniga oo 
falay falkan.markaas waxuu Thaclaba qaatay in uu cararo .
Nabiga scw wuu sugay Thaclaba waxaa dhaafay saacado, salaado walise Thaclabo lama hayo.
war yaa arkay Thaclaba ayuu nabigu scw yiri? waxaana uu u diray Cumar binu khataab in uu ka soo dhex raadiyo
Madiina balse alaha ka raali noqdee cumar madiina guda heeda wuu ka soo waayay.
Maalmo ka dib ayuu hadana rasuulka amray cumar inuu ka raadiyo Madiina banaankeeda, Cumar waa uu baxay 
marki uu marayay buuralayda madiina ayaa waxuu arkay kuwo ari mayracanayo way garteen Cumar in uu 
raadinayo baadi, markaasay yiraahdeen maxaa kaa maqan? cumar waxuu sheegay tilmaanta Thaclaba , markaas
baa arilaydi yiraahdeen ma waxaad sheegaysaa wiilka yar oo marwalba iska ooyayo,Cumar waxuu yiri seen ku 
arkaa? waad arki kartaa balse afartan bari oohin iyo istiqfaar waxaan ahayn kama maqal ,oo waxuu buurta ka soo 
dagaa habneenki caanaan siinaa isagoo ilinta ku darayo buu cabaa hadana ku noqdaa buurta dusheeda,ee caawa 
markuu soo dagaan ku tusi.
Habeenki markii la gaaray waxaa soo dagay Thaclaba oo madaxa raaricinaya, murugaysan , caatoobay ilina ka 
qulqulayso, markaasay arilaydi waxay siiyeen caanihi isagoo ku darayo ilinta ayuu waxoogaa ka cabay, Cumar 
ayaa ku dhaqaaqay oo yiri kaalay Thaclaba nabiga scw ayaa ku raba, markaasuu yiri ma aayad quraan ahaa iga 
soo dagtay? Cumar waxuu yiri garan maayo.ma munaafaqnimaa ilaahay igu sheegay? Cumar garanmaayo.
Thaclaba waxuu yiri fadlan ha i ceebayninee iga taga aan dhintee , wayse ka diideen oo yiraahdeen kaaama tagayno 
markaasuu soo raacay isagoo ooyayo oo murugaysan waxyna geeyeen gurigiisa.
Cumar waxuu u tagay Nabiga scw oo u sheegay in Thaclaba gurigiisa joogo oo ay ka soo heleen buuralayda 
Madiina nabiga markaasuu soo aaday ,markuu Thaclaba arkay rasuulka scw ayuu qayliyay oo yiri nabi aloow
ma aayad buu ilaahay soo dajiyay munaafiqnimadayda tilmaamayso? markaasuu nabiga scw yiri maya.
markaasuu bilaabay in uu ooyo Thaclaba markaa rasuulka scw soo qabtay madaxii oo dhinaciisa saaray, Thaclaba 
waxuu yiri rasuul aloow ma istaahilo in dhinacaaga igu qabatee iga qaad markaasuu nabigu scw yiri maya.
Nabiga scw ayaa waxuu waydiiyay Thaclaba maxaad ilaahay waydiisan?waxuu yiri danbi dhaaf.
Maxaad ka cabsan? ciqaabta ilaahay, maxaad rajayn? naxariista ilaahay. markaasuu waydiistay in nabiga scw
uu ilaahay danbi dhaaf u waydiiyo, markiiba waxuu dareemay shook . markaasuu yiri rasuul aloow waxaan 
dareemayaa in in ay quraanjo ku socoto hilibka iyo laftayda inta u dhaxaysa markaasuu nabigu scw yiri ma 
xaqiiqbaa in aad saas dareemi? haa buu yiri Thaclaba taas waa dhimasho buu yiri nabiga scw kuguna fool leh 
markaasuu Thaclaba bilaabay in uu yiraahdo istaaqfurulaah, laa ilaaha ila laah ilaa ay nafti ka baxday.
Nabiga scw wuu dhaqay,kafanay oo ku tukaday , kadib waxaa la raacay janaasadi cumar waxuu arkay nabiga scw oo
faraha fiidooda ku socda janaasada gadaasheeda oo yiri nabi aloow maxaaad faraha ugu taagasan adoo 
aga gaarkaaga banaan yahay oo lagu siiyay waasac kugu filan? nabiga scw waxuu yiri cumaroow ilaahay 
naxariistiisa ha ku siiyee waxaa cariiri i galiyay malaaigta la socoto jinaasada oo meel aan ka maro la ahay.
subxaana laah waa cajaasib iimaankiisa intuu la eg yahay saxaabiga isagoo yar xijaabtay.
Hadaba walaalayaal bal eega marxalada aan maanta ku suga nahay ee magazine, internet, film, news iwm 
waxaa hortanada yaala dumar aan asturneyn oo ay noo noqotay caadi .
Ibnu mascuud waxuu yiri xumida ninka muslinka uu ku dhaco waxay ula mid tahay in nbuurta uxud dushiisa 
ka lulato oo ku soo dhacayso sida uu uga walwalayo, ruuxa isagu mar walba ku dhax jirana waxay ula mid 
tahay isagoo daqsi sanka ka fuulay gacanta saas isaga yiri oo uu ka biibay.
Ilaahay ha nasiiyo iimaanka Thaclaba oo kale AAAAAAAAAAAAAAAAAAAMMMMMMMMMMMMMiiiiiiinnnnnnn.
                        
                         Wabilaahi  Tawfiiq
                   Abdirashiid sanei  Melbourne.  "abdirashid s" < This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it >

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash