GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Haweeney Soomaali ah oo isku soo taagtay jagada madaxtinimada dalka Soomaaliya

Haweeney Soomaali ah oo isku soo taagtay jagada madaxtinimada dalka Soomaaliya

Haweeney Soomaali ah oo ku nool dalka dibadiisa ayaa narkii ugu horeeysay isku soo taagtay Jagada Madaxtinimo ee Soomaalida sida lagu soo daabacay Wargeys Finland kasoo baxa.

Soomaaliya waxaa la filayaa in 20-ka Agost ay ka dhici doonaan doorashooyinka madaxtinimo, waxaana jira Rag farabadan oo xilkaas isku soo taagay, halka markanna Dumarka ay iyaguna isa soo sharaxeen.

Amaal Cabdi Ibraahim waa Gabar ku nool wadanka Finland waxa ay sheegtay in ay tahay Musharrax u taagan madaxtinimada dalka Soomaaliya, islamarkaana ay jeclaan lahayd in ay hogaamiso dalka Somaliya.

Wargeyska ugu afka dheer dalka Finland ee lagu magacaabo Turun Sanomat ayaa waxa lagu soo daabacay Wareysi ay siisay Amaal Cabdi Ibraahim oo sheegtay in ragga Soomaalida ay waxba u tari waayeen umadda Soomaaliyed 21 sano lasoo dhaafay.

” Raga Soomaalida 91-di ilaa hada wax ay qabteen ma jiraan, waxaa wanaagsan in markan doorka la siiyo dumarka, waxan aad u aaminsanahay in Dumarka ay samata bixin karaan dhibaatada ku habsatay Shacabka Soomaaliyed” ayey tiri Marwo Amaal.

Iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxa ay tiri” Madaxweyne hadaan noqdo waxan la dagaalamayaa Masuq Maasuqa iyo waxa la yiraahdo 4.5, waxan ku dadaali doonaa in Soomaaliya nabad ka dhalato waa hadii Madaxtnimada dalka ku guuleystan Dumarka”.

Amaal waxa ay tusaalo u soo qaadatay Madaxweynaha wadanka Liberia oo ah ruux Dumar ah, sida ay u dhaqan galisay Nabadda iyo Dhexgalka Bulshada dalkeeda.

” Madaxweynihii hore Liberia waad aragtaan 80 sano ayaa lagu xukumay, Nin ayuu ahaa, balse Gabadha badashay maanta wadanka waxa ay gaarsiisay wax aysan arkin reer Liberia, waana tusaale wanagsan in dumarka wax qaban karaan” ayey tiri Ms Amaal

Ugu dambeyntiina Amaal Cabdi Ibraahim waa Haweeney wax ka baratay xaga Caafimaadka, waxa ayna soo labeeyneysaa Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo horey u sheegtay in ay tahay Musharrax

Geesguud News Filand

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash