GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Audio-Video Audio Beesha caagane loobage oo caleemo saartay Suldaanka, Caagane,

Beesha caagane loobage oo caleemo saartay Suldaanka, Caagane,

E-mail Print PDF

Xaflad si heer Sare ah loo soo Agaasimey laguna Duubayey Suldaanka Beel ka mid beelaha Shiikhaal oo ah beesha Caagane , waxaana ka soo qaybgaley Odeyaal, Culamaudiin,Waxgarad Siyaasiyiin Haween iyo Dhalinyaro.

 

Waxaa ugu horeeyntii halkaa warbixin ka soo jeediyey Nabadoon Shiino oo sheegey in Duubida Suldaankaan ay ku timid markii la shirar badan oo uu sheegey in uu socdey muddo dheer taasoo markii dambe Beesha Caagane isku raacdey in ay Beesha yelato Suldaan oo ah Maxamed Axmed Xasan ( Carab)

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley ayaa si weyn u soo dhaweeyey Sudaanka Cusub ee Beesha Caagane, iyagoo Ilaah uga baryey in uu xilkaas Culus la garab galo sidoo kale waxay balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan Suldaan Maxamed Carab oo ay sheegey in uu yahay Shaqsi Gudan kara Xilkaas Sidoo kale waxay Balan qaadeen in ay garab istaagi doonaan Suldaanka Cusub.

Suldaanka Cusub ee Beesha Caagane Suldaan Maxamed Axmed Xasan (Maxamed Carab) oo halkaas ka Hadley ayaa u mahadceliyey intii isku soo duba ridey Munaasabadaan isagoo sheegey in keligiis uusan Gudan Karin Xilkaan Balse uu sheegey in uu u baahan yahay in gacan la siiyo , sidoo kale waxaa uu sheegey in xilkaan uu u gudan doono si Daacad ah islamarkaana uu ka shaqeyn doono sdii uu u mideyn lahaa beesha Shiikhaal

 

Suldaan Carab waxaa kale uu sheegey in sidoo kale uu ka shaqeyn doono sidii Xiriir wanaagsan ama Iskhaashi uu ula yeelana lahaa Beelaha kale ee Soomaaliyeed ,wuxuuna ugu dambeyntii uu ilaah uga baryey ummada Soomaaliyeed in uu dhibaatada ka saaro islamarkaana ay ku noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.

 

Last Updated on Monday, 16 July 2012 13:40  
Comments (9) Comments are closed
hambalyo
9 Monday, 01 October 2012 04:18
bint mohamud
waxaan uham balyeenayaa suldaanka
nin bahal ah
8 Tuesday, 14 August 2012 12:34
war aan wax idiin sheego waxaad iga diideen maahidiin niman hawiye ok maxaad ku hesheen aan idin weydiiyee hawiye ayaga ayaa ah dad aan wax isku ogoleen beelihii idinka yar yaraa ayaa maantay madaxweyne ku tartamaya adinkana waxaad ka dhamaan ladihiin baarlamaanka imisa ayaa noogujirto war soomaali adinka ayaa ugu badan ethopia ka soo bilow ku keen kismaayo adiga ayaa daadsan hadana wax aat tahay ma jiraan waligaa bun ayaa cunijirtay quraan ayaa aqrinjirtay dadkaan kale sida habargidirta ito abgaalka wax walbo ayeey soo arkeen waa la dilay xabsiga ayaa nafta looga qaaday dhariga maxaa ka keenayana kuleelka marka adiga oon sidas laguu gumaadin waxba ma qabsaneysid meeshaada ku haay aniga baarlamaan ayaan rabaa nin baari ahna u dirso meel kasto oo maqaar saar ah dadka wax ku soo dhicinaayana dheh waa mooryaan sida ............. inta kale waa habargidir iyo abgaal ruufyaankooda taas waa iga talo by
salan
7 Monday, 13 August 2012 09:40
war shiiqaley waxqabsa isgadaaya hawiye ayaan nahay waxaad tiheen reer faqacumar magaca hanoo gaciyaarina
Waad iga Qosolsiisay
6 Friday, 10 August 2012 18:58
Waxaad tahay wiil Majaajikiiste ah Waxaad ku fiicneyd Riwaayadihii hore ma aqaan Meel aad ku Maqneed Mudulood iyo Loobage Maxaa isku Galay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
asalaam caleeykum
5 Friday, 10 August 2012 18:02
maxamed maxamud
waa idin salaamay salaan kadib,
niman yahoow, in runta leeysugu yimaado ayadoo laga baqayo ilaaheey subxaanahu watacalaa, leeyska daayo,magacan shiikhaasha oo aad wadataan, waxaad tihiin asal ahaan (mudulood) sideey reer cabdi shiikh sheegeen, matihiin shikhaal laakiin waad isticmashiin, mudona waad isticmaaleeyseen,inteey goori goor tahay dhabta, haloo yimaado, iska daaya, qabiilkan aad magaciisa xoog ku heeysataan(shiikhaal waxaa ah jaziira iyo gendershe)ilaaheey inaad kabaqdaan udaaya magacooda.
waana iga dhabtiiye, dheelna iga ma'ahan.
dib haleeysu soo noqdo(loobage shiikhaal maaha)
(waa mudulood mahadale)
waxaan ahay nin kasoo jeeda shiikhaasha laheeystayaasha ah
waa salaamantihiin
hambalyo
4 Thursday, 26 July 2012 18:41
waad salaamantihiin kuligiin,,ramadaan al kareem...dhamaan odayaahsa beesha sheekhaal gaar ahaan caagane,,iyo suldaanka cusub,,waxaan kuu rajeeynayaa,,in ilaahey kula grabgalo xilkaas ..Aaaaaaaamiiiiiiin
waa farxad
3 Thursday, 26 July 2012 08:22
Hersio
ASC. waan idiin mahadcelinayaa dhamaantiin.Marka labaad waxaan leeyahay suldaanka noqo mid shaqo muuqata qabta,oo xal waara ka gaara dhibaatada dhextaal caagane,gaar ahaan Gacalow iyo Maxamed caagane. Hadii aad tahay suldaanka beesha waxaan kaala dardaarmin inaadan ka qayb qaadan marna dhibaato soo gaarta shacbiga soomaaliyeed iyo mid wadan intaba.
Hambalyo
2 Monday, 23 July 2012 18:21
F/Dahir
waxan halkan hawada u soo marinayaa hambalyo suldanka cusub ee beesha cagane waxaana u rajaynayaa xilka cusub oo la saaray in ilaah u fududeeyo oo uu noqodo kii beesha isku keeno oo xilkaas ka soo baxo AMIIN
hanbalyo
1 Thursday, 19 July 2012 08:29
waxan uhabalyeenaa odayaasha caagane wanaag aysameyeen ooudorteen hogaan caagane suldaanka ladoortayne waxan leeyahay ilaah ha ufudideeyo xilka loodoortay


Newsflash