GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Faahfaahin ku saabsan qarax lagu khaarajiyay Wasiirkii hore ee ganacsiga DKMG ah + Sawirro

Faahfaahin ku saabsan qarax lagu khaarajiyay Wasiirkii hore ee ganacsiga DKMG ah + Sawirro

wasiirkii hore ee ganacsiga ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne), kaddib markii gaarigiisa lagu xiray waxyaabaha qarxa.Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka bacadlihii weynaa ee degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinac nabadgelyada, Warsame Maxamed Joodax oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lix qof ay ku dhaawacantay qaraxa, kuwaasoo labo ka mid ah ay yihiin ilaalada marxuumka.Joodax wuxuu rumeysan yahay in bambada lagu dilay wasiirka lagu xiray gaarigiisa.

Ka hor intuusan ku biirin dowladda KMG ah, Garweyne wuxuu ka mid ahaa isbahaysigii dib-u xorraynta Soomaaliya (ARS) ee Asmara lagu dhisay, isagoo markaas kaddib noqday wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo wasiirka arrimaha bini'aadannimada ee xukuumadihii Cumar Cabdulrashiid iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay in ay xaaladdoodu liidato, kuwaasoo la geeyay qaar ka mid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax noocan oo kale dil loogu geysto shaqsiyaad Soomaali oo caan ah; waxaa sanadkii 2007 qarax noocan oo kale ah lagu dilay agaasimihii idaacadda HornAfrik, Cali Iimaan Sharmaarke.

Hay'adda nabad sugidda qaranka waxay labo bil ka hor ka digtay qaraxyada noocan oo kale ah, waxayna ugu baaqday dadka wata gaadiidka yar yar in ay ka feejignaadaan in baabuurtooda lagu xiro bambooyinkan xilliyada ay yaallaan goobaha baakinka ah.

Hay'adda waxay xilligaas soo bandhigtay nin la sheegay in la qabtay isagoo bambo ku xiraya gaari uu leeyahay guddoomiyaha degmada Hiliwaa.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash