GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Kooxda Kubadda Cagta ee Qaran oo ku Guuleysatatay Markii Sadexaad Koobka Xagaaga ee SEUKI 2012.

Kooxda Kubadda Cagta ee Qaran oo ku Guuleysatatay Markii Sadexaad Koobka Xagaaga ee SEUKI 2012.

Naadiga kubadda Cagta Qaran ee soomaaliyeed ayaa Markeedii sadexaad Waxa ay difaacatay koobka xagaaga ee soo qaban qaabiyaan Ururka Isboortiga SEUKI ka soo si habsami leh ugu soo Gaba gaboobay Garoonka SpÄnga ee Magaalada Stockholm Malinamdii Shalay.

Ciyaar aad u xiiso badneed islamarkaana Finalka Koobkan ay iska hor yimadeen Kooxaha Qaran Sweden iyo Wadani Denmark ayaa Waxaa ay Sagaashankii daqiiqo ku soo idlaatay 3-2 guushu ku raacday Kooxda Kubadda Cagta ee Qaran.

 

Waxaana Ciyaarta ka hor garoonka khudabdo ka soo kala jeedshay shirkado Ganacsi soomaaliyeed, Gudoomiyaha Ururka SEUKI Cabdi Casiis Cigaal, Rugcadayaal isboorti iyo waliba Marti sharaf kale.

Ayada oo Markii ay soo Gaba gaboobtay Ciyaartana abaal Marino kala duwan lagu gudoon siiyay Ciyartoy iyo waliba shaqsiyaad kale oo qeyb ka qaatay Ciyaaraha xagaaga intii ay socdeen.

Waxaana ugu danbeyntii Ciyaaraha xagaaga lagu soo xiray ayada oo Gacanta loo galshay Kooxdii qaaday sanadkaan ee Qaran ayada oo ay u tahay Markeedii sadexaad halka 2007,2010 iyo waliba 2012 waxaana sanadkii 2011 ay soo istaagtay Samafinalka ciyaaraha xagaaga.

Dhanka kale waxaa Casho Sharaf aad u sareeysa kooxda koobka Hanatay ee Qaran loogu suubshay Maqaayada Bleu Moon ayada oo cashadaasi uu goob joog ka ahaa Gudoomiyaha kooxdaasi ee Cabdi Axmed Xaji dhicis.

 

Gudoomiyaha ayaa Mar uu webseedka Geesguud kula hadlyay Qadka telefoonka waxaa uu uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Guusha kooxdiisu Gaartay.

 

Ayada oo sidoo kalena u Mahad celshay dhamaan ciyartoyda,Tababarayaasha iyo Tageerayaasha kooxda Qaran oo uu sheegay in aanan la,aantood Gushaan la agareen sidaa daradeedna Mahad balaaran uu u soo jeedinayo.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash