GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweyne Shariif Reysalwasaaraha iyo G/Baarlamanka oo si wada jir u booqday Odayaasha Dhaqanka

Madaxweyne Shariif Reysalwasaaraha iyo G/Baarlamanka oo si wada jir u booqday Odayaasha Dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa maanta si wada jir ah ula kulmay Odayaasha dhaqanka ee shirka ugu socda Muqdisho, iyagoo ugu tagay xarunta ay degan yihiin ee agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee madaxda wada jir ula kulmaan odayaasha, marka laga reebo kulamo ay si kala gooni gooni maalmihii u dambeeyay ula yeelanayeen ayaa waxaa madaxda dowladda ay ka codsadeen inay soo dedejiyaan soo xulista ergada ansixinayesa.

Gudiga Xalinta Khilaafaadka Haweeneyda madaxda u ah Xaawo Yarey ayaa sheegay 75% ay u dhameystiran yihiin ergada, isla markaana saacadaha soo socda soo dhameystiri doonaan ergada ansixineysa Dastuurka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra'iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay howl wanaagsan hayaan, iyagoo si wada jir u codsaday in la soo fududeeyo ergadii ansixin laheyn dastuurka, waxaana ay tibaaxeen inay ka go'an tahay in xilliga kala guurka looga baxo waqtigii loogu tala galay.

Madaxweyne Shariif oo gunaanudka khudbada qaatay ayaa sheegay in Odayaasha looga baahan yahay inay soo gudbiyaan 135-duub, taasoo uu xusay in beel walba duubkeeda looga baahan yahay.

"Waxaa la jooga waqtigii la ansixin lahaa dastuurka soo xulista ergada, waxaa haboon maadaama Ramadaan la joogo in la isla bar bar wado soo xulista Ergada iyo xildhibaanada baarlamaanka cusub"ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale xusay in waqtiga uu gaba gabo yahay, isla markaana goor dhow Muqdisho ka dhaceyso doorashada, taasoo uu xusay in lagama maarmaan tahay in howsha si dhameystiran loo qabto.

Shirka ansixinta Dastuurka ayaa lagu dhawaaqay inuu furmayo 21-ka bishan, iyadoo mudada ka harsan lagu balamay in lagu soo dhameystiro ergada, iyadoo kadib ay soo xuli doonaan Baarlamaanka cusub.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa u ambabaxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga qeyb galayo shir ay leeyihiin Madaxda Midowga Afrika.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash