Garowe Magaalada Garowe ee xarunta dawlada puntland waxaa ka bilawday Cayaaraha Gacanta ee loo yaqaano BASKETBALL Afar kooxood oo heer puntland ah
Kooxkan oo Ciyaartiisii ugu horaysay ay ka bilaabatay Garoonka kubada Gacanta ee Dusiga sare ee GAMBOOL ayaa waxaa isku arkay laguna daahfuray Kooxaha NATIONLINK iyo RUGSAN SQUARE.

Xafladii cayaarahan lagu daahfuray oo si weyn loo soo agaasimaya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madex farabadan oo uu ka mid yahay Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Puntland, Saraakiil ka socotay hay’adaha caalamiga ah, Masuuliyiinta Cayaaraha ee gobolka Nugaal, Xubno ka socday Qurbajoogta Puntland, Ganacsatada iyo daawadayaal farabadan oo aad ula dhacsanaa Cayaartan.





Koobkan waxaa soo qaban qaabiyay Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Puntland waxaana dhinaca Fanka gacan ka gaystay Hay’adaha Mercy corps, NCA, Ganacsatada iyo Qurbajoogta puntland.
Intii ay Ciyaartani socotay waxay labadan kooxoodba soo badhigeen farsamooyin kala duwan oo mid walba ay ku doonaysay in ay koopxda kale uga badiso, waxayse ugu dambayntii guushu ku raacday Kooxda kubadda Gacanta ee RUGSAN SQUARE oo heshay 65 Goal, kooxda Kubadda gacata ee NATIONLINK ay 64 Goal heshay.
Masuuliyiinta Cayaarahan qaban qaabiyay waxay sheegeen in dhamaanm Kooxuhu ay is arki doonaan maal dhawr ahna uu kooxkani socon doono.
Ciyaarahani waxay qayb ka yihiin ciyaaraha lagu dhiirigalinayo dhalinyarada ee lagu qabto deegaanada puntland, Waase markii ugu horaysay ee deegaanada Puntland lagu qabto Koobka Cayaaraha BASKETBALL ee Kooxaha puntland
Cumar yare Garowe Geesguud News
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































