GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweyne Shiikh Shariif oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed

Madaxweyne Shiikh Shariif oo magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi Xilka Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed ugu magacaabay Xildhibaan C/llaahi Axmed Afrax.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha Bangiga Hroumarinta Soomaaliyeed iyadoo lagu sheegay wareegtadan in la magacaabay Proff Cabdullahi Axmed Afrax kadib markii uu R/wasaaraha uu soo jeediyey in xilkaas loo dhiibo.

Magacaabida Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed ayaa timid maalmo kadib markii uu madaxweyne Shiikh Shariif uu soo booqday warshad lagu samaynayo lacag shillin Somali ah oo cusub.

Wareegtada ka soo baxaday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay u qorney sidatan.

Xeer Madaxweynaha J.S LR. 236 taariikh 07/7/2012

Magacaabid guddoomiyaha Bangiga hormarinta Soomaaliyeed
Madaxweynaha J.S

Markuu arkay; qodobka 39 aad farqada 2aad iyo qodobka 44aad farqada 1aad xarafka “E” ee axdiga fKMG Soomaaliyeed.

Markuu arkay; xeerka LR. 25aad ee 30/4/1970

Markuu arkay; xeerka sharciga ee shaqaalaha rayidka dowladda Lr. 11 ee soo baxay 5 desember ee 2006.

Markuu arkay; xeerka Madaxweyne Lr. 130 ee 22/4/2012 kuna saabsan sharciga bankiga dhexe iyo sharciga hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya.

Markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka koowaad ee xukuumadda FKMG kuna xusan warqada tixraaca Lr. X.R.W 680 06/2012 ee 19/06/2012.

Wuxuu soo saaray xeerkan
Qodobka 1aad

Waxaa maanta oo ah 07/07/2012 loomagacaabay Prof Cabdulaahi Axmed Afrax jagada guddoomiyaha bankiga hormarinta Soomaaliyeed.

Qodobka 2aad

Mudanaha ku tilmaaman xeerkan waxaa lagu maamuusayaa xuquuqda iyo waajibaadkiisa sida uu qabo xeerka sharciga shaqaalaha rayidka Lr 11 ee soo baxay 5 desembar 2006 .
Qodobka 3aad

Xeerkaan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda.

Wareegtada ayaa waxaa ku saxiinaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash