GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Meydka labo qof oo ku dhintay gaari Market la rasaaseeyay oo la geeyay Baydhabo

Meydka labo qof oo ku dhintay gaari Market la rasaaseeyay oo la geeyay Baydhabo

Meydka labo qof oo ku dhintay gaari Market ah oo shalay kooxo hubeysan ay ku rasaaseeyeen waddada u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa xalay fiidkii la gaarsiiyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Labadaas qof ee dhintay ayaa waxay ka mid ahaayeen dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo kuwaasi oo la dilay xilli ay ka soo laabteen magaalada Muqdisho isla markaana ay ku sii jeedeen Baydhabo oo ay deganaayeen.

Dadkaas ku dhintay rasaas lagu furay gaar Market ah oo ay la socdeen ayaa waxay kala yihiin gabar 18 jir ah, halka ruuxa kale uu yahay ganacsade si weyn looga yaqaan magaalada Baydhabo oo lagu magacaabi jiray Cabdinuur Macallin Yuusuf.

 


Newsflash