Ciidamo ka socda Wadanka Siiraaliyoon ayaa maanta lagu wadaa inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha AMISOM.

Saacid Maxamed Amiin oo ah Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM ayaa sheegay ciidamadaan maanta imaanaya in ay yihiin ciidamo Boolis ah oo ka tirsan AMISOM.
Sidoo kale wuxuu sheegay ciidamadaan ka imaanaya wadanka Siiraaliyoon in ay yihiin kuwo hor dhac oo kaliya isla markaana ay gaarayaan ilaa iyo 30 askari.
Saacid ayaa wuxuu xusay in ciidamadaan ay ku biirayaan 69 askari oo Naygeeriyaan ah oo horay ugu sugan Muqdisho, isla markaana la shaqeeya booliska Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada Booliska AMISOM Saacid Maxamed ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay ka howlgalayaan Degmooyinka Hodan, Xamarweyne, Madiina iyo labo goobood oo kale.
Ciidamo Boolis ah oo ka socda Dowladda Naygeeriya ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho iyio kuwa imaanaya ayaa waxaa la sheegayaa in ay la howlgali doonaan ciidamada booliska Soomaaliya.
Wadanka Soomaaliya ayaa haatan waxaa jooga ciidamo badan oo Afrikan ah isla markaana ka socda qaar ka mid ah wadamada darska, waxaan ciidamadaasi ay Soomaaliya u joogaan howlgalka AMISOM, waxayna dowlada Soomaaliya ay ka taageerayaan dagaalada ay kula jirto kooxd Al-Shabaab.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































