Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in saaka markii uu waagu baryey bartamaha degmadaas lagu arkay meydka nin madaxa laga jaray oo halkaas yaalla.
Goobta uu yiilay ninkaas meydka ah oo sidoo kale la dhinac dhigay madaxiisa oo go’an ayaa waxaa iskugu soo baxay dadweyne fara badan oo ka mid ah kuwa degan xaafadaha degmada Ceelbuur, kuwaasoo daawanayey waxna iska weydiinayey ninkaas la gowracay iyo waxaa uu ahaa
Goob joogayaal degmada Ceelbuur ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in qaar ka mid ah dadka degmadaas ku nool ay ka argagaxeen markii ay arkeen meyd wadada yaala oo madaxii laga jaray, waxayna xuseen ineysan ilaa hadda garaneynin waxaa uu ahaa ninkaas iyo sababta loo dilay.
Saraakiil ka tirsan Ahlu suna oo jooga degmada Guriceel ayaa sheegay in ninkaas uu ahaa nin musaafur ahaa oo ka yimid degaano kale ayna dileen xoogaga Al-shabaab ee degmada Ceelbuur gacanta ku haya ka dib markii ay uga shakiyeen inuu degmadaas u joogay howlo basaasnimo ah.
Ma jiro ila hadda war ku saabsan ninkan la gowracay oo ka soo baxay Al-shabaab, inta badana afhayeenada kooxdaas kama hadlaan arimaha ku saabsan dadka madaxa laga gooyo oo inta badan lagu arko degaanada ay maamulaan
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































