Wareegto ka soo baxday Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr C / wali Maxamed Cali Gaas oo ku taariikh saneyd 26-ka Bishan ayaa waxaa Maareeye cusub loogu magacaabay Dekeda Muqdisho, iyadoo magacaabidan ay soo baxday xilli Madaxweyne Shariif uu dalka ka maqan yahay. Inkastoo horay Madaxweynaha uu XIL ka qaadis UGU sameeyay Maareeyaha Sayidcali Macalin Cabdulle, hadana uu Ra'iisul Wasaaraha uu diiday, ayaa la ogeyn i Maareeyahan cusub uu magacaabay ay Isla og yihiin isaga iyo Madaxweynaha.

Magacaabidan ayaa ka dambeysay soo jeedin ka timida Wasiirka Gaadiidka Dekedaha, Badda , Cirka iyo Dhulka 19/6/2012, kunan aadan magacaabis Maareeyaha iyo Maareeye kuxigeenka Dekeda Muqdisho. Ra'iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay Maareeyaha Dekeda Muqdisho C / llaahi Cali Nuur Halka Maareeye kuxigeena u magacaabay C / qani Cusmaan Kabreeto, iyadoo wareegtada ay dhaqan galeyso marka uu saxiixay Ra'iisul Wasaaraha, Hada Wareegtada ayaa page u qorneyd.
Mahad Ali Geesguud News Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































