GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka DHAGAYSO: Ciidamada kenya oo gacanta ku dhigay gaarigii lagu afduubay Shaqaalaha Ajaanibta ah

DHAGAYSO: Ciidamada kenya oo gacanta ku dhigay gaarigii lagu afduubay Shaqaalaha Ajaanibta ah

 Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar maanta lagu afduubtay shaqaalo Ajaanib ah gudaha xerada IFO2 ee Dhadhaab.

Weerar ay koox hubaysan qaadeen ayaa waxaa lagu dilay nin darawal Soomaali ahaa mid kalana waa la dhaawacay.

Sidoo kale Waxaa la afduubtay Afar shaqaalo ah oo ukala dhashay dalalka Canada, Norwey, Pakistan iyo Filipin.

Shaqaalahan oo katirsanaa Norwegian Refugee Council (NRC)  ayaa lala aaday dhanka Xaduuda Soomaaliya.

Gudoomiyaha dowlada Kenya ee xerada Dhadhaab Albert Kimathi ayaa sheegay in ciidamada amaanka Kenya ay gacanta kusoo dhigeen gaarigii lagu afduubtay Shaqaalahan.

Riix Halkan si aad uhesho Faah Faahinta Weerarka iyo Howlgalka socda

Howlgal ka dhacay deegaanka Dhamaajaale ayay ciidamada Kenya kusoo qabteen gaariga inkastoo wali la la’yahay shaqaalihii la afduubtay.

Wali waxaa soconaya howlgalo xoogan oo lagu baadi goobayo kooxihii afduubka gaystay iyo shaqaalaha la afduubtay.

wariye:C/laahi C/rahmaan (foorgoo)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it     This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash