GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Wariye isla barbar dhigay Xabsi ku yaala Boosaaso iyo Xabsiga Mareykanka maamulo ee Guantanamo, Warb

Wariye isla barbar dhigay Xabsi ku yaala Boosaaso iyo Xabsiga Mareykanka maamulo ee Guantanamo, Warb

 Dhisme burbursan iyo biro miriray, maxaabiis buux dhaafisay iyo qurmuun kaadi ah oo soo uraya ayuu ahaa muuqaalkii ugu horeeyay ee aan ku soo arkay Xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, waxa xabsigaasi ka dhacaya waa xadgudub kale oo maamulka Obama uu geysanayo balse indhaha Caalamka ka qarsoon.

La isma weydiiyo waxa ku dhaca dadka loo qabto eedeymaha Argagixiso marka ay xabsiyada galaan? Balse jawaabta isweydiintaas halkaan oo ah Xabsiga Boosaaso ayaan ka heleynaa; sidaasi waxaa qoraalkiisa ku daah furay wariye dhanka amaanka u qaabilsan wargeyska News Week oo lagu magacaabo Eli Lake kaasi oo tagay dhulka maamulka Ashahaada la dirirka Puntland kataliyo.

Lake wuxuu sheegayaa in Argagixiso ay ka shalleynayaan sida uu hadalka u dhigay gelitaankooda xabsiga Boosaaso in ka badan inta ay ka shalleyn karaan dhibka ay kula kulmayaan falalka ay ku jiraan, waa xabsi uu ka yaabay nolol xumida ka jirta iyo tacadiga ka soconaya.

Maxaabiista badankood iska daaye Uniform gaar ay u leeyihiine xittaa ma heystaan kabo, waxaadna arkeysaa iyagoo xiran garan ama funaanado garbo go’an ka dibna hoos ka xiran qaarkood buumooyin ama Macawisyo.

Markii aan gaaray Xabsiga dhexe, madaxa ilaalada Xabsigaasi Shuuriye Saciid Max’ed oo aan la kulmay ayaa qudhiisa qiranayay dhibaatada taalla xabsiga wuxuuna ii sheegay in xabsiga oo loogu talo galay ugu badnaan 300 maxbuus in ay hadda ku hayaan 390 maxbuus.

Riix Halkan si aad udaawato Muuqaal ahaan Xabsiga Boosaas

Dabcan maalinkii maxaabiis kale la geeyana waa la qaabilayaa iyadoona ay galayaan godkaasi weyn ee dhibaatada ka dhaceysa aaney cidna la socon.

Arrinka kale ee Shuuriye uu sheegay ee cajiibka ah wuxuu yahay in maxaabiista qaar ee Xabsiga ku jira ay yihiin dad ay soo qabteen Ciidamada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da!, inkastoo uu diidanaa arrinkaas inuu ka hadlo hadane wuxuu sheegay isaga in kaliya 16 nin uu ogyahay in Mareykanku u keeneen.

Afhayeenka Pentagon-ka James Gregory oo wariyuhu uu la kulmay waxna ka weydiiyay ragga ay qabteen ee ku jira xabsiga wuu ka gaabsaday tiro cayiman inuu sheego, balse wuxuu tilmaamay in dawladda Mareykanka dad ay ku qabato falalka loogu yeero Argagixisada in ay ku wareejiyaan maamulada dagaanadooda ka jira.

Wariyuhu wuxuu leeyahay Xabsiga Boosaaso iyo kuwa la midka ah ee adduunka ka dhisan ayaan wax xog ah laga heyn lana ogaa Karin dadka ku jira, madaxweynaha Mareykanka Barak Obama ayaa marki xafiiska uu qabtay ka dib wuxuu ballaariyay howlgallada dhanka sirdoonka iyo duqeymaha diyaaradaha duuliye la’aanta ay ka geystaan dhulalka Caalamka ee kooxaha al qaacida ku dhuuntan.

Sidaasi oo ay tahay maamulka Obama wuxu sheegay inuu albaabada isugu dhuftay xabsiyada fadeexadda ee Yurub ay ku lahaayeen CIA-da, isla markaana aan maxaabiis cusub la geyn doonin Guantanamo, laakin arrinkaasi ma u muuqdaa mid dhab ka ah maamulka Obama?.

Muuqaal yar oo aad ka aragtid Xabsiga Boosaaso ayaa kuu muujinaya sida ay u ekaan karto nolosha ka dib marka la xiro xittaa Guantanamo, dadka meesha ku jira ayaa eedeymo kala duwan loo heystaa, waxaa ugu badan eedda ah Argagixisinimada, laakin dhaqanka lagula macaamilo ayaa ah mid ka baxsan banii’aadanimada.

Gudaha Xabsiga intii aan u kuur galayay nin dhalinyaro ah oo ka soo dhexbooday maxaabiista ayaa cod dheer xoogaa Af English ah igu yiri “ Magaceygu waa Axmed, waxaan doonayaa in aan kula hadlo”, wuxu ii sheegay Axmed cabasho ay ka qabaan nolosha ku heysata xabsiga.

Qurmuunka musqulaha, xabsiga oo buux dhaafay iyo xagudubyo loo geysto ayuu ka sheeganayaa, wuxuu soo jiiday nin kale oo maxbuus ah oo madaxiisu daqar ka muuqday, wuxuu igu yiri “ waxaa dhibkaan geystay ilaalada xabsiga”.

Markii aan weydiiyay arrinkaasi masuulkii Xabsiga Boosaaso Shuuriye Saciid wuxu ku jawaabay in ay jiraan, maxaabiista ayaa dhexdooda is disha, in la kala dhex galena waa adag tahay sida uu ku andacoonayo Shuuriye.

“ Waa rag dagaalamaya, meeshaan xeerku wuxuu yahay kow inaga ayaa is ilaalina..ka dib ayaan maxaabiista kala ilaalinaa’ ayuu yiri taliyaha Xabsiga.

Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa ku sheegay Axmed Max’ed Cali ayaa ka mid ah dadkii aan xabsiga ku arkay, Axmed waxaa la qabtay isagoo lagu xiriirinayo Al-Shabaab, wuuna qirsan yahay arrinkaas.

Wuxuu ii sheegay intii aan la keenin xabsiga Boosaaso in meel gooni ah ay su’aalo ku soo weydiiyeen ciidamo ka tirsan sirdoonka Mareykanka, dabcan halkaasina waa xarumaha lagu tacdiibiyo dadka, sida adagna loogula macaamilo maxaabiista.

Axmed lama yaabana in Mareykanku ay su’aalo weydiiyeen, wuxuu ogyahay in ay aad uga howlgalaan Puntland, isaga xittaa aniga ilama hadleen mooyee waxaa ii fududeeyay maamulka Puntland oo hadda uu la shaqeeyo Axmed.

Isagoo ka jawaabayay dhibaatada ka jirta Xabsiga Boosaaso ayaa ku xigeenka kaaliya xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Bruce Wharton wuxuu sheegay in ay doonayaan si banii’aadminimo leh in lagula dhaqmo maxaabiista, “ waan kala hadleynaa arrinkaas maamulka Puntland” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Mareykan Fadeexad Beni’aadanimo kama naxo oo Isaga ayaaba Gacantiisa ku sameeya

 

Laakin Mareykanka oo fadeexaddii ugu darneyd ka geystay xabsiyada Abu Ghuraib ee Ciraq iyo Guantanamo ee Jaziiradda Cuba ayaan looga fadhin in ay cadaalad u sameeyaan dadka ay heystaan, adduunka oo dhan ayaa daawaday muuqaaladi argagaxa lahaa ee laga soo qaaday Xabsiga Abu Ghuraib, iyadoona laga wada dharagsan yahay wax ka weyn arrimahaasi in ay ka dhacaan gudaha xabsiyada aaney tagi Karin saxaafadda.

Xabsiga Boosaaso gudihiisa waxaan ku arkay in ragga meesha ku xiran gooni loo kala geeyay, burcad badeed, Al-Shabaab iyo dad kale ayaa meesha ku jira.

Masuulka Xabsiga Shuuriye wuxuu ii sheegay Al-Shabaab meel gooni ah in lagu xiro, wuxu yiri kuwaasi waa sida Virus, haddii aan dadka caadiga ah kula xirno xabsiga waxaa suuragal ah in Virus-kooda oo uu kala jeedo Islaaminimada ay u sii gudbiyaan maxaabiista kale, oo halkaasi dhaqaaq ay ka bilaabaan.

Laakin sida ka duwan Xabsigan, jeelal badan oo ku yaalla dalalka Carabta ayaa loo ogolaadaa dadka Argagixisanimada u xiran in ay dadka dhex galaan, waana arrin jirta in ay saameyn ku yeeshaan dadka ay la kulmaan.

Ilaalada Khaaska ah ee Faroole Waa CIA-da Mareykanka

Wariyaha warbixintan diyaariyay ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha maamulka Ashahaada la dirirka Puntland uu u sheegay ilaaladiisa gaarka ah iyo ciidamada sirdoonka Mareykanka ee CIA-da si dhow in ay u wada shaqeeyaan.

2 sarkaal oo Mareykan ah oo hadalka Faroole aan hor dhigay ayaa iyana ii xaqiijiyay arrinkaas.

Muuqaalka Xabsi iyo Maxaa biista oo hadlaysa Daawo

wariye :C/laahi C/rahmaan (foorgoo)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it         This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash