GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Odayaasha dhaqanka oo Maanta iska Xulay Gudi Xaliya Qilaafka iyaga iyo Masuuliyiinta Dowlada

Odayaasha dhaqanka oo Maanta iska Xulay Gudi Xaliya Qilaafka iyaga iyo Masuuliyiinta Dowlada

Odayaasha dhaqanka Soomaaliyed ee magaalada Muqdisho ayaa maanta iska soo xulay Gudiga xalinta khilaafaadka, iyadoo gudigan la filayo inay ambaqaadaan howlaha lagu soo xulayo ergooyinka ansixinaya shirweynaha Dastuurka.

Inkastoo Xukuumada Soomaaliya ay iclaamisay i shirweynaha ansixinta Dastuurka inuu qabsoomi doono 12-ka juli, hadana Odayaasha dhaqanka ayaa muddo bil iyo bar ku shirsanaa Muqdisho, si ay UGU soo xulaan ergooyinka.

Gudiga Xalinta khilaafaadka ee ay iska soo dhex xuleen Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa uu ka kooban yahay 26-xubnood.

Maalin ka Hor ayay aheyd MarkII Golaha Wasiirada ay magacaabeen Gudi farsamo oo ka shaqeynaya howlaha soo xulista ergooyinka, iyadoo gudigaas ay soo dhoweeyeen Odayaasha dhaqanka.

Hadada magacyada Gudiga xalinta khilaafaadka Odayaasha ayaa waxay ka kooban yihiin Sidan: -

1 - Suldaan Warsame Suldaan Ibraahim Caliyow
2 - Suldaan Maxamed Suldaan Muuse Xaaji 
3 - Malaaq Isaaq Ibraahim Xassan
4 - MalaaqCabdirashiid Shiikh Xassan
5 - Suldaan Cabulqaadir Cabdullaahi Xassan
6 - Ugaas Maxamed Cali Ugaas
7 - Ugaas Cabdulahi Ugaas Xaashi
8 - Nabadoon Cali Maxamed Maxamuud
9 - Ugaas Cabdulaahi Ugaas Faarax
10 - Waber Geedi Waber Xassan
11 - Suldaan Axmed Jaamac Xirsi
12 - Ugaas Aways Sh. Xuseen (Huneero)
13 - Malaaq Suufi Murde Cali
14 - Suldaan Cabdi Xaliim Cabdi Mālik
15 - Ugaas Saalax Maxamed Cabdule
16 - Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac
17 - Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi
18 - Ugaas Xuseen Cismaan Nuur
19 - Ugaas Maxamed Ugaas Axmed
20 - Suldaan Maxamed Axmed Burtinle
21 - BeeldaajeJaamac Beeldaaje Cabdulllaahi
22 - Suldaan Ibraahim Suldaan Cali Xaaji
23 - Ugaasmaxamed Ugaas Buule Jiirow
24 - Boqor Maxamed Jaamac Suldaan Cumar
25 - SuldaanMaxamed Xassan Bul-bul
26 - SuldaanMaxamed Aadan Ashkir

Mahad Ali Geesguud News Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash