GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Xukuumada KMG oo markii u horeysay horgeysay Odayaasha dhaqanka nuqulkii u dambeeyay Dastuurka

Xukuumada KMG oo markii u horeysay horgeysay Odayaasha dhaqanka nuqulkii u dambeeyay Dastuurka

Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta markii u horeysay horgeysay Odayaasha dhaqanka ee shirka uga soconaya magaalada Muqdisho, nuqulkii u dambeeyay ee Dastuurka uu yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka kooban 80-qodob.

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay oo lagu qabto halka shirka uga socdo Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa gacanta loogu geliyay nuqulkii u dambeeyay ee Dastuurka, si ay u soo aqristaan, una soo eegaan.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Dastuurkan uu shaqeynayo afar sano, isla markaana si KMG ah u shaqeyn doono, ilaa laga helayo afti dadweyne, isagoo tibaaxay inuu soo maray caqabado badan iyo howl adag.

Mr Xoosh ayaa sheegay in sababihii loo kala diray Gudiga madaxa banaan ee Dastuurka ay tahay in howshii loo igmaday ay dhamaatay, isla markaana la kala diray sida uu hadalka u dhigay.

"Dastuurkaani waa kii ugu wanaagsanaa marka loo eego Shareecada, Islaamka,Waa mid ay dalka iyo dadka anfacayo"ayuu yiri Wasiirka oo inta ku daray in Odayaasha laga sugayo inay soo xulaan ergadii ansixin laheyn.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in wax ku xiran aanu jirin Dastuurka, isla markaana la wada ogol yahay, isla markaana laga sugayo Odayaasha dhaqanka inay soo dedejiyaan ergooyinka ansixin laheyd.

"Aniga waxaa is leeyahay wax ku xiran maanta ma jiro dastuurka waa la wada ogol yahay, sidaas darteed wixii ka dhiman ha lagu daro, wixii ku dheer halagu daro, waxaa nagala baahan yahay in nagala hgelo waa ogolnahay, ergadan in la helo sida ugu dhaqsiyaha badan, inaa fududeysaan sidii loo dhameystiri lahaa"ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Odayaasha dhaqanka ayaa la filayaa in nuqulka ay soo aqristaan muddo todobaad, isla markaana si adag uga doodaan, wixii ku daris iyo ka dhimisba ah, waxaana kadib laga sugayaa inay soo xulaan ergadii ansixin laheyn ee ka qeyb galeysa shirweynaha Dastuurka ee qabsoomaya bisha July

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash