GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo oo lagu wado inay ku kulmaan Imaaraadka Carabta

Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo oo lagu wado inay ku kulmaan Imaaraadka Carabta

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa in dhowaan ay ku kulmaan Magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta, iyadoo maalinimadii shalay Madaxweyne Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen dalka isu taga Imaaraadka Carabta.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo kulankan oo aan wali la qorsheyn goorta uu dhacayo, ayaa hadana wararka qaar tilmaamayaan in lagu soo beegi doono 1-da Luulyo oo ku beegan xornimadii Gobolada Koofureed iyo is raacii Gobolada Waqooyi.

Madaxweyne Shariif oo ka hadlayay munaasabada 26-ka June markii Gobolada Waqooyi ay xoroobeen ayaa ku tilmaamay inay ku soo aaday waqti fiican oo wada hadalo u socdaan Gobolada Waqooyi iyo Koofur, isagoo ku tilmaamay wada hadaladaas kuwo natiijo wanaagsan ka soo bixi kara.

Inkastoo Somaliland horay u cadeysay mowqifkeeda ahaa in aanay ka tanaasuleyn gooni isu taageeda, hadana dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in wada hadaladii London ay iftiimisay baahiyo badan oo ku aadan sida Somaliland aanay xilligan iskeed gooni isaga taagi karin Soomaaliya inteedakale.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu u baqoolo dalka isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ah goobta loo qorsheeyay inay ku kulmaan isaga iyo Madaxweyne Shariifka Soomaaliya.

Qodobadii ka soo baxay wada hadaladii London ayaa dhigayay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku kulmaan Madaxweynayaasha labada dhinac, si loo sii ambaqaado wada xaajoodka u dhaxeeya dhinacyada.

Wada hadaladii London ayaa ahaa kii u horeeyay ee fool ka fool ahaa oo Somaliland iyo Soomaaliya isku arkaan, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Somaliland sanadii 1991-dii ku dhawaaqday inay gooni u goosatay

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash