GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Dagaalo Xoogan oo Xalay ka dhacay Degmada Badhaadhe

Dagaalo Xoogan oo Xalay ka dhacay Degmada Badhaadhe

Degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose oo uu xalay ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa wararka ka imaanaya degmadaasi waxa ay sheegayaan in xaaladdu haatan ay tahay mid degan.

Kornel Carab Axmed Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG ah degmada Badhaadhe oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in xalay ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen Ciidamada Al Shabaab islamarkaana Ciidamada dowladda ay iska caabiyeen.

Sarkaalkaani ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Al Shabaab ay ka dileen illaa 5-dagaalyahanno islamarkaana ay ka dhaawceen 7-kale, waxaana uu tilmaamay in dhankooda uusan gaarin wax qasaro ah sida uu hadalka u dhigay.

Kornel Carab Axmed Cali ayaa waxa uu sheegay in jawiga degmada Badhaadhe uu yahay mid degan, isagoo xusay in uu dib u bilowday isu socodkii gaadiidka, dadka iyo ganacisigii ka jiray gudaha degmadaasi.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab iyo ilo ka madaxbanaan Saraakiisha Ciidamada dowladda oo cadaynaya guulaha ay sheeganayaan, inkastoo gobolada Jubbooyinka ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash