GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Ammaanka degmada Afgooye oo la sheegay in uu soo haggaagayo

Ammaanka degmada Afgooye oo la sheegay in uu soo haggaagayo

  Xildhibaan Cali Sheekh C/laahi (Cali Afgooye) oo ka mid ah Xubnaha barlamanka KMG Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay ammaanka degmada Afgooye oo muddooyinkii dambe ay ka jireen falal ammaan darri oo ka dhan ah dadka shacabka ah ee ku nool gudaha degmadaasi.

Xildhibaan Cali Afgooye ayaa waxa uu sheegay in ammaanka gudaha degmada Afgooye iminka uu yahay mid la isku halayn karo, taasina ay gacan wayn ka gaysteen Ciidamada DKMG, Ciidamada Nabad sugidda, AMISOM iyo shacabka degamdaasi oo uu tibaaxay inay iskaashi sameeyeen sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu intaasi ku daray in markii hore Kooxo ka tirsan Al Shabaab ay qal qal ku abuurayeen shacabka ku nool gudaha degmada Afgooye, hase ahaatee iminka waxyaabahaasi laga hortagay islamarkaana Ciidamada dowladda iyo shacabka ay yihiin kuwa is dhexmaraya, kana shaqeynaya ammaanka degmadaasi.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameyeen inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan degaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay falal ammaan dari kusoo kodhayeen

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash