GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Xeer Ilaaliyihii gobolka Sool oo xalay lagu dilay magaalada Laascaanood

Xeer Ilaaliyihii gobolka Sool oo xalay lagu dilay magaalada Laascaanood

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay fiidkii halkaasi lagu dilay Xeer Ilaaliyihii gobolka Sool Axmed Xaaji Maxamuud {Dhunkalax}.

Sida warku sheegayo Axmed Xaaji Maxamuud, waxaa dilay koox dabley aheyd oo la sheegay inay ku hubaysnaayeen baaskoolado, iyadoo la sheegay in Xeer ilaaliyaha ay kooxdaasi madaxa ka toogatay, isagoo
marayey xilligaasi meel ku dhow gurigiisa, waxaana la sheegay in isla goobtii uu ku geeriyooday xeeri ilaliyihii gobolka Sool ee maamulka Somaliland.

Dilka xeerr ilaaliyaha ka dib ayaa waxaa goobta yimid ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, kuwaas oo halkaasi ka bilaabay baaritaano la xiriira ciddii ka dambeysay dilka, inkastoo aan la sheegin cid loo soo qabtay dilkaasi.

Lama oga cidda dilka geysatay iyo sababta loo dilay midna, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilkiisa, waxaaa ka soo baxaya dilka xeer ilaaliyaha warar dheeraad oo sheegaya in dad
farabadan loo qabtay dilkiisa, kuwaas oo la sheegay inay u badanyihiin dad ka soo jeeda gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Laascaanood

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash