Xukuumadda dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in dowladdaasi ay garab taagan tahay sidii Soomaaliya looga dhigi lahaa Nabad.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska William Hague ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ka mira dhalinta Nabadeynta Soomaaliya iyo in ay garab istaagto DKMG ah.
![]()
Mr. William Hague ayaa sheegaya in dowladda Ingiriiska ay gacan weyn ka geysatay wadahadaladii udhexeeyay DKMG Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland taasi oo uu sheegay in ay yareyn karto ammaan darrida ka jirta gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Britten ayaa sidoo kale sheegay in shirkii labada maalmood uga socday Given House ee ku yaalla duleedka Magaalada London ay kasoo bexeen qodobo Muhim u ah Mustaqbalka Soomaaliya iyo sidoo kale in lasoo celiyo ammaanka iyo kala dambeyntii ka jirtay Gobolka.
Ugu dambeyntii Xukuumadda Ingiriiska ayaa xusay in dowladda ingiriiska iyo dowladaha kale ee caalamka ay kawada shaqaynayaan sidii loo caawin lahaa DKMG iyo sidii gabi ahaamba loogu soo celin lahaa DKMG gacanteeda Gobolada dalka ee ka maqan
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































