GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madax ka socota Amisom oo gaaray iyo Shabaab oo sheegay in ay rasaas la heleen diyaaradii ay la socd

Madax ka socota Amisom oo gaaray iyo Shabaab oo sheegay in ay rasaas la heleen diyaaradii ay la socd

 Wararka naga soo gaaraya magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay gaareen Saraakiil sar sare oo katirsan Taliska Amisom.

Ilaa Lix Xubnood oo katirsan Taliska Amisom ayaa gaaray magaaladda iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen ciidamada Jabuuti ka jooga Beledweyne iyo maamulka dowlada ee gobolka Hiiraan.

Wararka aan helayno waxaa ay sheegayaan in saraakiisha Amisom ee gaartay Beledweyne ay kulamo la leeyihiin maamulka dowlada ee Hiiraan, Saraakiisha Hogaaminaysa ciidamada Jabuuti iyo Saraakiil Itoobiyaan ah.

Waxaa wararka ay sheegayaan in laga wadahadli doono sidii ciidamada Amisom ee Jabuuti ay magaalada ugala wareegi lahaayeen kuwa Itoobiya.

qorshaha laga wadahadlayo waa in ciidamada Jabuuti ay sugida amaanka kala wareegaan magaaladda” ayuu saxaafada usheegay Xoghayaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Cilmi Cabdi.

Idaacada kuhadasha Afka Shabaab ayaa sheegtay markii ay diyarada saraakiishan siday ka daganaysay Beledweyne ay rasaas iyo hoobiyaal la heleen.

Waxaa ay Shabaab sheegteen in rasaastaas ay cabsi galisay saraakiisha Amisom iyo kuwa dowlada ee kasoo dagay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

wariye C/laahi C/rahman (foorgoo)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it         This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash