Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay aaska Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Allaha u naxariistee Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo lagu aasay maanta Magaalada Muqdisho.
Aaskan oo ahaa mid qaran ayaa gudi heer wasiir ah oo loo saaray qaban qaabada aaska ay si heer qaran ugu soo agaaismeen, iyadoo markii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde halkaas salaad janaaso ah lagula dukaday,

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa tujiyay salaada janaasada, oo ay kala qeyb galeen Mas'uuliyiinta dowladda, culumaa'udiin iyo waxgarad, iyo dadaweyne kale.

Madaxweyne Shariif ayaa uga tacsiyadeeyay shacabka Soomaaliyed Marxuum Sheekh Mukhtaar oo ahaa nin wadani ah, cadaalad badan, kuna weyneyd Soomaalinimada, waxaana uu alle uga baryay in janadii Fardowso ka waraabiyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna ka tacsiyadeeyay geerida, isagoo umadii uu ka geeriyootay uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan.
Sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha C/wali Gaas oo Muqdisho ku soo laabtay maanta oo isna ka qeyb galay aaska ayaa sheegay in Marxuum Sheekh Mukhtaar uu ahaa shaqsi ay ku weyn tahay Soomaalinimada, isla markaana door muhiim ka soo qaatay siyaasada iyo horumarinta dalka.
Ugu dambeyn Meydka Gudoomiyihii hore ayaa lagu aasay Qabuuraha Tarabuunka, halkaasoo madaxda dowladda iyo xubnihii kale ay qabriga ku aaseen ciidii, kadibna ay alle uga baryeen inuu janadii Fardowso ka waraabiyo
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































