GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Magaaladda Muqdisho oo loo shiday Nalalkii wadooyinka

Magaaladda Muqdisho oo loo shiday Nalalkii wadooyinka

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in bilicda Magaalada Muqdisho ay dib u soo laaban doonto, isagoo ka dhawaajiyay in magaalada ay gashay Iftiinkii Nabada.

Isagoo ka hadlayay xalay Munaasabad xariga looga jarayay Wadada Maka Al-Mukarama oo laga taagay Baalooyin Nalal ah oo ku shaqeynaya Iftiinka Qoraxda ayaa waxaa uu ugu mahadceliyay Dowladda Norway sida ay gacan uga geysatay in wadooyinka lagu xiro nalal.

"Muqdisho waxay la jaanqaadeysa Qarniga 21aad horumar kasta, waxaa bilowday iftiinki nabada, bilicdii waa soo noqoneysa, ma jiri doonto Nalal Koronto ama fiilo nooga baahan, Ileyska qoraxda ayaa magaalada noo sahlaya inay wada iftiimiso"ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho ay dib ugu soo laaban doonto bilicdeedi, isagoo soo dhoweeyay in xilli habeen ah ay dhalinyarada orodo ku soo bandhigaan wadooyinka, iyadoo uu Iftiin jiro.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu ammaanay wax qabadkiisa dhinaca bilicda magaalada, iyadoo tan iyo markii uu xilka qabtay Tarsan wax badan laga ka qabtay nadaafada iyo bilicda magaalada.

Dhismayaashii taariikhiga ahaa sida Taalooyinka magaalada ayaa dib loo dayactiray, waxaana magaalada oo gashay jawi ka bedelan sidii hore ka socda dhismayaal badan, taasoo wax badan ka tari doonta in Muqdisho ay dib u dhisanto

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash