GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Xukuumadda oo loogu baaqay inay faraha kala baxdo Odayaasha dhaqanka

Xukuumadda oo loogu baaqay inay faraha kala baxdo Odayaasha dhaqanka

 Siyaasiyiin iyo Waxgarad Soomaaliyeed  ayaa waxa ay ugu baaqeen Beesha Caaalamka in Xukuumadda KMG Soomaaliya ay u Madaxbaneyso Odayaasha dhaqanka ee ku kulansan Muqdisho,  soo xulista Ergada ansixinaysa Dastuurka iyo Xildhibaanada cusub. 

Nabadoon Xasan Xujaale Abuu Yaxye oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Odayaasha dhaqanka loo madax baneeyo howsha ay hayaan si ay awood ugu yeeshaan soo xulista Xildhibaanada cusub ee barlamanka. 

Sidoo kale Ugaas C/laahi oo isna ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda ay masuq maasuq ku hayso Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka oo uu xusay in dad aan matalin Odayaasha dhaqanka ee Rasmiga ah ay ka qeyb galinayso shirka ka soconaya Magaalada Muqdisho. 

Waxaa jiray maalmihii dambe dhaliilo loo jeedinayo Xukuumadda KMG ah oo ku addan inay musuq maasuqayso shirka Odayasha dhaqanka ugu socda Magaalada Muqdisho, iyadoo Odayaashaasi marar badan ay ku cel celiyeen in loo baahan yahay in loo madaxbaneeyo soo xulista Ergada anixinaysa Dastuurka

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash