GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Xukuumadda oo amar ku bixisay ka bixitaankii gobolada dhexe ee Ethiopia iyo Ahlu Sunna

Xukuumadda oo amar ku bixisay ka bixitaankii gobolada dhexe ee Ethiopia iyo Ahlu Sunna

Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia ay amar ku siisay inay ka baxaan qeybo ka mid ah gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wasiiro dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya Dr. Cabdi Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in sababta ay Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia kaga soo baxeen qeybo ka mid ah gobolada bartamaha Soomaaliya ay tahay amar kasoo baxay dowladda KMG Soomaaliya.

Dr.Cabdi Cali ayaa waxa uu sheegay in dowladda KMG ah goboladaasi ay ka damacsan tahay in la geeyo Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo looga talagalay in istaraatiijiyad dagaal oo cusub ay ka fuliyaan halkaasi.

Dhinaca kale Wasiiro dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dib u habeyn lagu sameeyn doono Ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku darray inay iskaashi sameyn doonaan Cidamada dowladda, Ahlu Sunna iyo Ciidamada dalka Jabuuti oo ka tirsan kuwa AMISOM, islamarkaana ay soo gaba gabeyn doonaan dagaalada ka socoda goboladaasi.

Hadlka ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli muddooyinkii u dambeeyay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlu Sunna ay ka baxayeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Hiiraan kuwaasi oo ay Saraakiisha Ahlu Sunna ku micneeyeen inay tahay xeelad dagaal

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash