GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweyne Shariif oo xalay ku Hoyday degmada Afgooye kulamana la qaadanaya Waxgaradka Deg-Afgooye

Madaxweyne Shariif oo xalay ku Hoyday degmada Afgooye kulamana la qaadanaya Waxgaradka Deg-Afgooye

Madaxweynaha dowlada KMG Somalia Shariif Shiikh Axmed oo ay wehliyaan saraakiil iyo wasiiro iyo saraakiisha ciidamada DKMG ah qaarkood shalay galabna markii labaad booqasho ku tegay degmada Afgooye ayaa xalay halkaas ku hoyday markii ugu horeysay.

Madaxweynaha iyo madaxda la socota ayaa xalay illaa gelinkii dambe kulamo kula lahaa beerta Shiikh Saayid ee degmada Afgooye madaxda maamulka gobolka Sh/hoose, kan degmada Afgooye, saraakiisha anmniga iyo qeybaha kala duwan ee waxgaradka iyo bulshada ku dhaqan degmadaas.

Madaxweyne Shariif oo mar saxaafada la hadlay xalay ayaa sheegay in ujeedada ay halkaas ugu hoydeen xalay ay tahay sidii shacabka reer afgooye ay ugu muujin lahaayeen in DKMG ah inay garab taagan tahay loona hagaajin lahaa maamulka degmadaas oo khilaafaad iyo isqabqabsi badan uu ka dhashay

Madaxweynaha ayaa ka jawaabay cabasho ay u soo jeediyeen waxgaradka degmadaas oo aheyd falal dhac ah oo ay ku hayaan qaar ka mid ah ciidamada dowlada ee halkaas jooga, wuxuuna madaxweynuhu sheegay in ciidamada XDS ay yihiin kuwo u taagan difaaca iyo xoreynta dalka, hase ahaatee ay ku jiraan shaqsiyaad ku fekera iney dhibaato u geystaan shacabka, wuxuuna balan qaaday in cabashadooda deg deg wax looga qaban doono.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa shalay si amaan ah ku gaaray degmada Afgooye, iyadoo illaa xalayna aan la soo sheegin falal amaan daro iyo weeraro halkaas ka dhacay, waxaana ciidamo aad u fara badan oo nooc walba leh lagu daadiyey gudaha iyo hareeraha degmadaas si ay u sugaan amaanka madaxweynaha iyo wafdigiisa oo saaka lagu soo waramayo iney kulamo kale la qaadan doonaan waxgaradka degmadaas.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash