Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in howl galka ku xiga degmada Afgooye uu yahay degmada Balcad oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyagoo cadeeyay inuu socdo qorshihii loogu dhaqaaqi lahaa.
Taliyaha Ciidamada AMISOM u qaabilsan howl galka Shabeelooyinka ayaa sheegay in qorshihii lagu qabtay Afgooye si la mid ah Balcad lagu qaban doono, isagoo xusay in Ciidamada AMISOM bilaabeen aagag dagaal ay dhowr jiho uga fureen Balcad.
Isagoo shalay Koox Wariyeyaal kula hadlayay Taliyaha meel Afgooye 5-KM u jirta ayuu u sheegay in howlka labaad uu ku sii jeedo Balcad, si ay Muqdisho iyo hareeraheeda ammaanka uga xaqiijiyaan sida uu yiri.
"Howl galka labaad waxaa uu ku wajahan yahay Balcad, wuxuu qeyb ka yahay qorshihii Afgooye lagu qabtay"ayuu yiri Taliyahan.
Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda jidka dheer ee Laamiga ee isku xirta Muqdisho iyo Balcad, sidoo kale wado cari ah oo ka baxda Barsa ayaa Ciidamada huwanta ilaa 2-KM ay ku durgeen maalinimadii shalay, halkaas oo aada Balcad
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































