Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM kuwa dowladda iyo Al-Shabaab madaafiic isku weydaarsadeen inta u dhaxeysa Afgooye iyo Laanta-Buuro, iyadoo duqeymahan ay cabsi ku abuureen dadka deegaanka ee reer miyiga ah.
Sida ay sheegayaan wararka duqeymahan oo laga maqlayay deegaano ku dhow dhow Afgooye iyo No-50 ayaan la ogeyn qasaaraha ay geysteen, waxaana lagu soo waramayaa in dad xoolo dhaqato ahaa oo ku sugnaa deegaanka Muuri ay ka barakaceen.
Duqeymahan oo saaka bilowday ayaa soo gaaray ilaa duhurkii maanta, iyadoo goobaha Ciidamada AMISOM saldhigyada ka sameysteen oo ah halka Afgooye looga aado Nambar Kontan uu dhaq dhaqaaq ciidan ka jira.
Ciidamada huwanta ayaa qorsheynaya inay qabsadaan Laanta-Buuro oo ah saldhig milateri, horayna Al-Shabaab dagaalyahano ugu tababartay, sidoo kale Ciidamada ayaa muhiimad gaar ah u leh Garoonka macmalka ee diyaaradaha NO-50.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen degmada Afgooye iyo deegaanada loo bareekacay ee duleedka Muqdisho Xarakada Al-Shabaab oo muddo saddex sano maamuleysay
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































