Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Amb. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa xalay ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium, kadib markii gaari uu la socday uu ku dhacay gaari kale.
Sida uu sheegay wiil uu dhalay Ambassador Nuur Cadde oo lagu magacaabo Xaaji Maxamed Nuur Xasan Xuseen waxaa uu sheegay in gaari uu Safiirka la socday uu ku dhacay gaari kale, xilli ay marayeen Bartamaha Magaalada Brussels.
Dhaawaca Safiirka ayaa lagu daweynayaa mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala Magaalada Brussels, iyadoo lagu tilmaamay mid aan sidaa u buurneyn, hase ahaatee qaarka sare ee jirkiisa ay jug ka soo gaareen.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shilka gaari darawalka Ambassador-ka oo lagu magacaabo Mahdi, kaasoo isna isbitaalka loola cararay.
Gaariga uu la socday Safiirka ayaa si xoogan bur bur u soo gaaray, waxaana bur buray muraayadihii iyo koofanaha hore ee baabuurka.
Xilliga Safiirka ku dhaawacmayay shilka baabuur ayaa ku sii jeeday shir ay lahaayeen Safiirada Midowga Yurub u fadhiya Qaarada Yurub.
Horaantii sanadkan ayay aheyd markii Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi Amb. Maxamed Cali Nuur Ameerika uu ku dhaawacmay shil gaari, xilli nawaaxiga Madaxtooyada wado hor marta, iyadoo uu ka jabay lugta
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































