Mareykanka ayaa markii u horeysay ku dhawaaqay in abaal marin uu ku bixinayo macluumaad la xiriira halka ay ku sugan yihiin 7-ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, kuwaasoo lagu baadigoobayo markii u horeysay Saraakiisha xiriirka la eh Ururka Al-Qaacida.
Waaxda Arrimahada Dibada u qaabilsan dhinaca Cadaalada ayaa soo saartay liiska oo ay ku sheegtay inuu yahay kii u horeeyay ee saraakiil ka tirsan Shabaab lagu soo bandhigo.
Liiskan ayaa lagu sheegay in Hogaamiyaha Shabaab ahna aas aasaha Axmed Aw Cabdi Mohamud Godane oo loo yaqaano Mukhtaar Abuu Zubeyr lacag dhan $7 Miliyan doolarka Mareykanka.
Sidoo kale waxaa ku jira liiska Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad oo loo yaqaano Ibraahim Afghan oo madaxiisa la saaray lacag dhan $milyan oo doolarka Mareykanka, waxaa la mid ah Fu'aad Maxamed Khalaf (Fu'aad Shongole) oo isna la sheegay inuu yahay madaxa dhaqaalaha, Madaxa Milateriga Shabaab Bashiir Maxamed Maxamuud iyo Afhayeenkii hore Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Waxaa kaloo min $3Milyan doolar madaxooda la dul saaray Zakariye Ismaaciil Axmed Hirsi oo lagu sheegay inuu yahay Taliyaha Ciidamada sirta iyo Cabdulaahi Yare.
Liiskan 7-shaqsi ayaan ku jirin Ragga kale ee Shabaabka sida Afhayeenka Shabaab Cali Dheere iyo Sheekh Xasan Dahir Aweys oo horay Mareykanka ugu diray liiska Argagixisada.
Tallaabadan Mareykanka uu ku dhawaaqay ee lacagaha la dul dhigay cidii soo sheegta ama warbixin ka keenta halka ay joogaan Hogaamiyeyaasha Shabaab ayaa noqoneysa tii u horeysay ee si rasmi lagu bartilmaameedsada Saraakiisha Soomaalida ee Shabaab.
Mareykanka ayaa sanadkii 2008-dii sheegay inay jiraan dagaalyahano badan oo Ajaaniib ka bar bar dagaalama Shabaab, iyadoo horay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradahooda ku dileen Hogaamiyeyaal ajaaniib ah oo ay ka mid ahaayeen Saalax Nabhaan iyo Bilaal Al-Barjaawi oo horaantii sanadkan lagu dilay duleedka Muqdisho
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































