Shirkadda Global security and monitoring centre.ayaa waxa ay ku soo bandhigtay xaafadda eastlight Nairobi adeeg cusub oo ka qeyb qaadan doona sidii loo xoojin lahaa amaanka guud ee goobaha ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Xafladdan ayaa waxaa loo qabtay ganacsatada iayagu ka ganacsada xaafadda eastlight Nairobi . kulan kaan oo ay ka soo qeybgaleen ganacsata soomaaliyeed ee ka ganacsata xaafada eastlight Nairobi kulamkaan oo ay soo qaban qaabisay shirkadda Global security and monitoring centre oo ah shirkad amaaan oo ka shaqeeysa howlo badan oo quseeya dhanka amaanka ah oo ay ka mid yihiin kaamerooyinka loo yaqaan CCTV oo duuba wixii ka dhaca hay,adaha iyo gurigaada intaba ALARM lagu xirto guryaha iyo Alarmyo kale oo loogu tala galay qofka bini aadamka ah maraka ay la soo deristo xaalad amaandarro in uu riixo oo loogu yimaado goobta uu markaasi joogo si looga badbaadiyo dhibaatada markaas haysata.

Maamulayaasha Shirkada ayaa ka warbixiyay qalabka ay hayso ee adeega ah iyo waxa uu ku saabsan yahay oo ay ugu tala galeen dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira goobaha ganacsiga iyo suuqyada ay ku ganacsadaan. Waxayaaba shirkadu ay hayso waxaa ka mid ah CCTV oo ah qalabka aaladda kaamerooyinka ah oo aad ku ilaalineysid ama aad ku arkaysid dhaqdhaqaaqa waxa socda ha ahaato ganacsigaa ama meesha aad adigu ugu tala gashay in aaad ku ilaaliso.
CCTV wuxuu leeyahay faaiidooyin badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin. hadii an wax yar ka taabanao waxaa ka mid ah in ay tahay (deterrent-cabsi gelin) in ay cabsigelinayso qof walba oo ku fakiraayey in uu wax dhaco ama boobo ama wax jebiyo ama fak danbiyeed suubiyo. Qalabka aan hayno wuxuu masaabaxayaa haddii la isu dayo in meeshaas la jabsado isla markiiba inay (SIGNAL ama dhawaaq bixinayso) Signaalkaas oo ay usoo dirayso-CONTROL ROOM) oo aan leenahay oo 24 saac la joogo oo duubaaya wixii dhaqdhaqaaq ah ee socda.
Qofka dukaanka leh ama qofkii uu cayimay in uu masuul ka yahay wuxuu ku helayaa mobiilkisa markiiba fariin ah dukaankaagii waxbaa ka dhacay iyo iyadoo ciidamadeenii oo sharciyaysay oo iyaguna hubeysay ay tagayaan goobta wax ka dhaceen si ay u ogaadeen wixii meesha ka dhacay.
Dadfka Waardiyaasha ah muhiim maahan in ay albaabka taagan yihiin ayagoo ka jooga ilaa dhinaca 200m ayeey haddii uu tuhungalo waxay taabanayaan botoon aan anagu siinay kaas oo kicinaayaa ALARM ama dhawaaq taas oo laftigeeda ku filan qofkii tuuga ahaay ee isu dayeyey in uu faldanbiyeed galo in uu nmaasha ka cararo.
Maalinwalba baabuur ayaa la xadaa marmarka qaar waxaa jira dad baabuurleey ah oo gobolo u safra inbadan waxeey darawaliinta baaburta kula xiriiraan telefoon si ay u ogaadaan meesha uu maraayo. shirkaddaan global security and monitoring Centre waxeey baabuurka ku rakibayaan qalab aad adiga kula soconeeysid meesha uu maraayo adiga oo aan la xiriirin darawalka baabuurka.
Haddii aad ugu talagashay in uu baaburkaaga ka bixin xaafad qaas ah ama magaalo qaas ah sida xaafadda Islii wuuxu systemkaan masaabaxayaa in uu kuu sheego oo yiraahdao baabuurkaagii wuu ka baxay xaafad hebel ama eastlight Nairobi
Ganacsata xaafadda Islii ayaa aad u soo dhaweeyay shirkaddaan waxeeyna sheegeen in ay la shaqeeyn doonaan. Waxeeyna kaloo sheegen ay ay tahay shirkaddaan mid loo baahan yahay oo wax ka qaban doonta amaanka goobaha ganacsiga sida suuqyada iyo goobaha gaarka loo leeyahay
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































