GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Ciidamada Huwanta oo ku dhow Kismaayo iyo Cyrus Aguna oo hanjabay “Top News”

Ciidamada Huwanta oo ku dhow Kismaayo iyo Cyrus Aguna oo hanjabay “Top News”

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Kenya ay ku dhow yihiin Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolkaas Jubada Hoose.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa ka dhaqaaqay Magaalada AFmadow iyagoo haatan gaaray meel qiyaastii wax kayar 75 KM ujirta Kismaayo gaaray.

Waxaa lasoo sheegayaa in halkaas ay ciidamada dhaq dhaqaaq xoogan ka wadaan iyagoo ciidamado ay isku fidiyeen wadooyin dhowr ah oo gala Jubooyinka.

Afhayeenka Militeriga Kenya Cyrus Aguna ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay gaareen dhul hor leh oo ka baxsan Magaaladda Afmadow.

Waxaa uu sheegay in hada ay wax yar ujiraan Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose dhawaana ay magaaladaas gaari doonaan.

Cyrus Aguna ayaa wariyasha ugu sheegay Magaalada Nairobi in balantu ay tahay in kahor xiliga xilka dowlada ee August lasoo gaba gabeeyo howlgalka Shabaab looga saarayo Kismaayo iyo guud ahaan Jubooyinka.

“howlgalka waxaa uu galayaa maalmihii dhamaadka hada waxaan ku dhownahay Kismaayo qorshahana waa in aan gaarnaaa Kismaayo iyo guud ahaan JUbooyinka kahor xiliga dowlada ee August’ayuu sheegay Cyrus Aguna.

Shabaab ayaa iyagana abaabulo xoogan ka wada Magaalada Kismaayo iyo qeybo kale oo Jubooyinka ah oo ay si aad ah ugu xoogan yihiin.

 

 


Newsflash