GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Sawirada Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha Jubba Raas State Sweden

Sawirada Xafladii Soo dhaweynta Madaxweynaha Jubba Raas State Sweden

Waxaa si Qurux badan uga dhacday Xalay Baarka Jubba Restaurang ee Magaalada Stockholm Xaflad aad u Qurux badneed islamarkaana lagu soo dhaweenayay Mádaxweynaha Jubba Raas State ayada oo laguna Xusayay Maamul Goboleedka Jubba Raas State Sanad Guuradisii Kowaad.

 

Waxaana Xafladaan ka soo Qeyb Galay Wafdi balaaran oo uu Hogaaminayay Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubba Raas State Mudane Bashiir Muxumud Xaaji Cismaan iyo Qaar ka mid ah Wasiiradiisa Madaxda Jaaliayada Jubba Raas State ee Wadanka Sweden iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

 

Xaflada oo Khudabado kala duwan ay ka soo kala jeediyeen Waxgarad iyo Haween,Dhalinyaro ayaa Qaar ka mid ahaa Dadkii ka hadlay Xaflada Waxaa ka mid ahaa Xuseen (Shaarib) oo ka mid ah Madaxda Jaaliayada Jubba Raas State ee dalka sweden asaga oo khudbadiisa uga hadlay sida ay ka jaaliyad ahaan ugu Faraxsan yihiin soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

 

Sidoo kale waxaa khudbad Qiimo badan ka soo jeedisay Goobta Ayaan Alifley oo ayadu ku dheraatay sida ay Gabdhaha Jaaliayada Jubba Raas rr dalka Sweden Hiil iyo Howlba ula Garab taagan yihiin Maamul kooda ayada oo Sheegatay in ay Ku Faraxsan tahay in maanta ay soo dhaweyn u suubiyaan Mdaxweynaha Maamulkooda Jubba Raas State Dr:Bashiir Muxmud Xaaji Cismaan

 


Newsflash