GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweynaha Turkiga oo qaabilay Madaxweyne Shariif

Madaxweynaha Turkiga oo qaabilay Madaxweyne Shariif

Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gul ayaa maanta qaabilay madaxweynayaal uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed kuwaas oo dalka Turkiga u tagay shirka ka furmay magaalada Istanbul kaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Madaxweynayaasha la qaabilay ayaa waxa ka mid ah kan Uganda Yoweri Museveni, Djibouti Ismail Omar Guelleh, Burundi Pierre Nkurunziza iyo ra`iisal wasaaraha dalka Yemen Mohammed Salim Basindwa.

Mr. Abdullah Gul ayaa kulan uu gaar ula yeeshay m/weynaha Soomaaliya Shariif Sh. Axmed waxaa ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya iyo geedisocodka Road Map-ka.

Labada madaxmed ayaa rajo ka muujiyay natiijo wanaagsan oo ka soo baxda shirka Istanbul, waxaana m/weyne Gul uu sheegay in ay dowladda Turkiga kordhisay taageerada Soomaaliya.

Shirka Istanbul oo galay maalinkii labaad ayaa waxaa maanta lagu gorfeynayaa arrimaha siyaasadda iyo waxa la tiigsanayo sanadka 2015-ka.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash