GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Al-Shabaab oo ka hadlay sababaha ay uga baxeen degmada Afmadow

Al-Shabaab oo ka hadlay sababaha ay uga baxeen degmada Afmadow

Waaliga Al-Shabaab u qaabilsan Jubooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in sababihii uga baxeen Afmadow ay aheyd qido dagaal oo ay u dejiyeen inay shacabka ku badbaadiyaan, si aanay uga dhex dagaalamin.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay maalin ka hor duleedka Qooqaani ay ku dileen askar badan iyo gawaari badan ay ka gubee.

"Dagaalkii ka bilowday duleedka Qooqaani cadawga ilaahey qasaare baa ku gaaray, dhimasho iyo dhaawac ayaa diyaaradahooda looga dal dal Libiyo iyo dhinaca Kenya, ilaa afar baabuur baa uga gubnay"ayuu yiri Waaliga Shabaab u qaabilsan Jubooyinka.

Waxaa uu sheegay in sababaha uga baxeen Afmadow ay tahay iyagoo u naxaya shacabka, isagoo xusay inay is bar bar dhigeen in shacabka ay ka dhex dagaalamaan iyo inay gees uga baxaan.

"Qido loo dhigay ayay aheyd in dhinac looga baneeyay, ilaa shan saac ayay ku qaadatay in magaalada soo geli waayaan cabsi awgeed, waxaana uga baxnay inagoo umada Muslimka u naxeyna"ayuu yiri Waaliga Shabaab u qaabilsan Jubooyinka.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sidoo kale sheegay in hada kadib ay ku rafaadi doonaan deegaanada ay soo gaareen, isla markaana xaalad go'doon ah gelinayaan sida uu yiri.

"Nin Soo duulay wuxuu soo fogeeyay baqrigiisa, wuu go'doomina doonaa wuu rafaadi doonaa, ninkii dhoof ku yimid bey geerida dhibeysa"ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhinaca kale waxaa uu baaq u diray dadka reer Afmadow in aanay la macaamilin Ciidamada huwanta, isagoo xusay in cidii taageerta ama biyo siisa ay sugeyso xisaabta Mujaahidiinta, tallaabo cadna ka qaadi doonaan sida uu yiri.

Al-Shabaab ayaa lumiyay shalay gelinkii dambe degmada muhiimka ah ee Afmadow, halkaas oo ka baxda wadooyin aada dhinaca Bu'aale iyo Kismaayo

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash