GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Turkiga oo beeniyay in shaqsiyaad ka tirsan Shabaab ku casuumeen Shirka

Turkiga oo beeniyay in shaqsiyaad ka tirsan Shabaab ku casuumeen Shirka

Dowladda Turkiga ayaa beenisay in shirka ka socda Magaalada Istanbul ay ku casuumeen shaqsiyaad ka tirsan Shabaab.

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bosdag ayaa sheegay in shirka aanu muhiim u aheyn in shasiyaad ka tirsan Shabaab ku casuumaan.

Waxaa uu sheegay in Shabaab ay madaxdooda ay xilligan ku jiraan dagaal adag, isagoo xusay in aanay muhiim aheyn inay shir ceynkan oo kale ah ku martiqaadaan sida uu yiri.

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga ayaa xusay in muhiim ay aheyd inay isu keenaan Al-Shabaab iyo Dowladda, si ay u soo afjaraan dagaalada iyo colaada ka dhex taagan, hadana aysan jirin dalab arrintaas ku wajahan

"Anagu ma casuumin Shabaab, waana idin cadeyneyna, Al-Shabaab waa awood jirta, ha yeeshee waxay sii luminayaan goobo muhiim ah oo ay horay u maamuli jireen"ayuu yiri Bekir Bosdag oo wariyeyaasha la hadlay kadib markii shalay uu furmay Shirka Istanbul.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan mar uu qaadacayay shirka Istanbul waxaa uu sheegay in lagu casuumay kooxo Xagjiriin ah, inkastoo markii dambe ay ogolaadeen inay ka qeyb galaan shirka.

Dowladda Turkiga ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii Soomaaliya ay dib u dhis ugu sameyn laheyd, iyadoo shirka maalintii labaad galay uu qorshihiisa yahay sidii Soomaaliya looga dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha oo muddo 21-sano ka hor ay ka bur burtay

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it  

 


Newsflash