Dadka ku nool degmada Balcad ayaa bilaabay inay cabsi awgeed uga barakacaan, kadib markii ay dareemeen xiisado dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay degmada Balcad gashay xaalad ciidan.
Gaadiid badan oo alaabo ay dusha uga raran yihiin ayaa soo galaya Caasimada Muqdisho, kuwaas oo ka imaanaya Balcad, qoysas isugu jira haween iyo caruur ayaana ka soo barakacaya degmada.
Xiriiro aanu la sameynay degmada Balcad ayaa sheegaya in dadka ay ka cabsi qabaan lagu dul dagaalamo, isla markaana ka hor inta aan dagaalada ku soo dhowaan ay ka sii cararayaan degmada.
Dadka qaar ayaa sheegay in xalay ay maqleen jug culus oo dhanka wadada ka timaada Muqdisho ka dhaceysay, taasoo aheyd tan dadka ay cabsida ugu daran ka qaadeen.
Gurmadyo Al-Shabaab ayaa ku soo qul qulaya degmada Balcad, iyadoo ciidamada ugu badan ay ka yimaadeen Magaalada Jowhar, sidoo kale waxaa jira Ciidamo kale oo ahaa kuwii Afgooye laga qabsaday.
Sheekh Yuusuf Kaba-kudukade oo ah Gudoomiyaha Shabaab ee Shabellaha Dhexe ayaa la sheegay in isaga iyo Ciidamo uu horkacayo ay u gudbeen dhanka deegaanka Calayaale, sidoo kale dhaq dhaqaaq ciidana uu ka jiro dhanka Ceel Cirfiid oo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku soo dhow yihiin.
Maalinimadii shalay ayaa Ciidamo fara badan oo wata gaadiid dagaal ay u gudbeen dhanka deegaanka Maslaxa, iyagoo gaaray deegaanka Darmooley, halkaasoo Ciidamada AMISOM difaacyo ku leeyihiin
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































