Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta si isku mid ah u qaadacay ka qeyb galka shirka Istanbul ka dhici doonta horaanta bisha soo socota, kaasoo ay qabaneyso Dowladda Turkiga, kadib markii ay ku casuuntay dhinacyada siyaasada Soomaalida.
.jpg)
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wareysiyo ay siiyeen Idaacada BBC-da iagoo ku sugan Magaalada Addis Ababa ayaa waxay sheegeen inaysan ka qeyn galeyn shirka.
C/raxmaan Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay ogaadeen in shirka ay Dowladda Turkigu ay si qaldan wax u wado, isagoo tilmaamay inay ka war heleen in shirka ka qeyb galayaan shaqsiyaad wata ajandayaal gaar ah.
"Shirka Istanbul kama qeyb galeyno, waxaa ogaanay in shirka Turkiga si qaldan u wado, beesha Caalamka iyo Umada Soomaaliyed waxaa u sheegeyna in shirka Istanbul aan fileynay in lagu qiimeynayo horumarka laga gaaray Road Map-ka, laakiin waxaa noo soo baxday arrin kale, waxaan go'aasanay inaan ka qeyb gelin"ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale tilmaamay in shirka Turkiga yahay mid aan Soomaali dan u aheyn, isagoo xusay in arrimaha socda ay kala wataan Turkiga iyo qeyb ka mid ah TFG-da sida uu yiri.
Waxaa uus heegay in Dowladda KMG aanay qudheeda xataa waxba kala socon shirka, waxaana hadalkiisa ka muuqday inuu saluugsanaa, qaabka Odayaasha dhaqanka ay shirkaas uga qeyb galayaan.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa isna u sheegay BBC-da inuu la qabo Madaxweynaha Puntland fikirka ah in shirka Turkiga ay qaadaceen, isagoo cadeeyay in Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hada jooga Istanbul ay ka war sugayaan.
"Aniga, Madaxweynaha Puntland, waa isla qabnaa isku fikir baana ka nahay arrintan, waxaan iska wareysanay madaxda dowladda inteeda kale, cid wax ka og ma jirto, hada Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku maqan asigaa ka war sugeyna"ayuu yiri Col. Caalin.
Col. Caalin ayaa ku amaanay Turkiga wanaaga uu mar walba u haayo Soomaalida, isagoo xusay in aanu fahamsaneyn shirka Turkiga ujeedooyinka laga leeyahay. sida uu yiri.
Dowladda Turkiga ayaa horay u iclaamisay shir looga hadayop arrimaha Soomaaliya oo ay ku qabaneyso Istanbul, iyadoo shalay Muqdisho laga duuliyay madax dhaqameedyada Soomaalida ee ka qeyb galayay shirkii lagu soo xulayay ergooyinka ansixinaya Dastuurka.
Saxiixayaasha Road Map-ka ee lixda xubnood ah ayaa kolba dhinac mowqifyo kala duwan ula soo baxayay, iyadoo horay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay u qaadaceen Dastuurka iyo shirkii Galkacyo lagu qabtay oo Madaxweynaha Galmudug oo aan ka qeyb gelin diidmo kala hor yimid
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































