GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Madaxweynaha Jubba Raas State ayaa Si Balaaran Loogu soo dhaweeyay Dalka sweden

Madaxweynaha Jubba Raas State ayaa Si Balaaran Loogu soo dhaweeyay Dalka sweden

Madaxweynaha Maamul Goboleeda Jubba Raas State Dr.Bashiir Muxumud Xaaji oo soo Gaaray dalka Sweden gaar ahaan Magaalada Stockholm ayaa si Balaaran loogu soo dhaweeyay ayada oo Madaxweynaha Soo dhaweyntiisa ay Ka qeyb Qateen Wasiirada kala ah Wasiirka Wasiirka Qorsheeynta,Iskaashiga caalamiga ah ahna La taliyaha Madaxweynaha Jubba Raas: Cabdullahi Cali Guure(Afdheere)Wasiirka warfaafinta Maxamned Yasin Xaji iyo Waliba Odayaal iyo Dhalinyaro.

Waxaana Madaxweynaha oo bilooyinkii Ugu danbeeyay Howl kala duwan u joogay dalkaasi kenya ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo Balaaran la qaato Jaaliyadaha dalakal Sweden,Norway,Denmark iyo waliba wadanka Finland asaga oo kala hadli doona Xaaldaha kala duwan ee ka jira Gobolada Jubooyinka.

Madaxweyne Bashiir Muxumud Xaji ayaa waxaa uu wadaa daldaalo balaaran asaga oo la filayo Maalmaha Fooda Nagu soo haya in uu Kulamo la qaato Jaaliyada reer Sweden Waxaana Madaxweynaha oo Safarkiisa dalaal Scandinevianka uu ku jooga tahay Dardar Galinta iyo Waliba sidii Kaalin Balaaran ay Jaaliayada ku aftirsada Degaanada Jubooyinka UGu diyaar garoobi Lahayeen Hormarka dhwaan Gobolka ka bilaaban doona oo ay uu Wado maamulka Jubba Raas State.

Markii uu Madaxweynaha ka soo Dagay Garoonka Arlanda ayaa waxaa wareysi Kooban oo uu siiyay Shabakada Caalamiga ah eeGeesguud uu sheegay in uu doonayo sidii uu Kulamo kala duwan ula yeelan lahaa Jaaliyadaha dalalkaan aan kor ku xusnay kulamo ula Qaadan lahaa.

Madaxweyne Dr:Bashiir Muxumud Xaji ayaa waxaa uu intii uu hayay xilkaan oo ah Bilooyin uu ku jiray Dadaalo Balaaran kuwaasi oo uu ku doonayo in uu dadka ku aftirsada Maamulka Jubba Raas State ee ku sugan gudaha dalka u gaari lahayd Gargaaro dibna loogu soo celin lahaa Amniga Goboladaasi oo wali Qaarkood kacanta ay ugu jirto Kooxda Alshabaab ayada oo Maamulka Jubba Raas State ka Go,an tahay sidii Guud ahaan Goboladaasi Gacanata Maamulka u soo gali lahay

Wararka Geesguud

Geesguud.com

Sweden

 


Newsflash